Xildhibaanno ka soo horjeestay go'aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay

0
Sunday March 28, 2021 - 10:55:16 in by salman abdi
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno ka soo horjeestay go'aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay

    Xildhibaanno ka soo horjeestay go'aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno ka soo horjeestay go'aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay

Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee Guddoonka Golaha Shacabku ka mamnuucay in ay ka soo qeybgalaan fadhiyada Golaha ayaa arintaa sharci darro ku tilmaamay.

 

 

Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo ka mid ah liiska xildhibaannada laga mamnuucay fadhiyada Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana aysan u hoggaansami doonin.

 

Sidoo kale xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in ay hortaagan yihiin sida uu hadalkau dhigay qorshe ay heshiis ku yihiin guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo oo ah muddo korarsi sida uu hadalka u dhigay aan sharci aheyn.

Xidig ayaa intaa ku darray in aysan u hoggaasami doonin go'aanka uu qaatay guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan.

Xildhibaannadan ayaa lagu tilmaamay in ay fowdo iyo dhibaatada ka dhax abuureen fadhiyada Golaha Shacabka sidaa daraadeed ka soo qeybgali doonin kulamada soo socda.

Waxaa shalay fashilmay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib markii xildhibaannada qaar ay is taageen kulanka, iyaga oo sheegay in la wado ajande qarsoon oo ah muddo korarsi, inkastoo fariimaha loo diray xildhibaannada lagu sheegay in fadhiga looga hadlayo oo kaliya xaalada caabuqa Coronavirus iyo dhibaatada uu wadanka ku hayo.