Ismariwaa wali ka taagan kulamada madaxda dowlad gobolleedyada

0
Tuesday March 30, 2021 - 13:12:45 in by salman abdi
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismariwaa wali ka taagan kulamada madaxda dowlad gobolleedyada

    Ismariwaa wali ka taagan kulamada madaxda dowlad gobolleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismariwaa wali ka taagan kulamada madaxda dowlad gobolleedyada

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf cusub oo hareeyay kulamadii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro ismariwaaga doorasho.

 

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood ka biyo diideen dalab ka yimid madaxda dowlad gobolleeyada Puntland iyo Jubbaland oo ku adkeysanaya in shirweynaha looga hadlayo arrimaha doorashada laga soo qeybgaliyo midowga musharixiinta iyo guddoomiyaha Aqalka sare oo ay ku wada jiraan isbaheysiga ''Badbaado Qaran''

 

Sidoo kale doodda ugu culus ayaa ka jirta ajandaha shirka, amniga goobta kulanka lagu qabanayo iyo awoodaha madaxweynaha ee hoggaaminta shirka.

Laakiin dalabkan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu waramayaa in aysan ku qancin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada kale Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo qaba in kulamada doorashadu noqdaan kuwo u dhaxeeya oo kaliya Madaxda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kulamadan oo waayadii ugu danbeeyayba ka socday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaan ilaa iyo hadda wax natiijo ah ka soo bixin, inkastoo wakiilada beesha caalamka rajo ka muujinayaan in ugu danbeyntii leysku afgaran doono qabashada shirweyne looga hadlayo hannaan leysku waafaqsan yahay oo lagu wajahayo doorashada Soomaaliya oo siweyn uu dib u dhac ugu yimid.