Xisbiga KULMIYE Oo Diiday Dalab WADDANI Uga Yimi Iyo Xiisad Ka Dhalatay.
Xisbiga KULMIYE Oo Diiday Dalab WADDANI Uga
Yimi Iyo Xiisad Ka Dhalatay. Xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa diiday inuu ka qayb galo
shirka 3aad ee golaha dhexe ee xisbiga mucaraadka ah ee WADDANI oo saaka magaalada Hargeysa ka
furmay.
Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga UCID Mudane Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hadal ka jeediyay
Shirka Saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI oo maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka
Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa Xisbiga si weyn ugu bogaadiyay sida habsamida leh ee
shirweynuhu u furmay, Waxa kale oo uu sheegay in ay haboonayd in Xisbiga Kulmiye oo shirka lagu marti
qaaday ka soo qayb galo
" Waxaan Rajaynayaa In Doorashooyinka soo socda ay guulaystaan Xisbiyada Mucaaradka ahi, Xisbiga WADDANI Waxa muuqata in uu doorashada Madaxtooyada u diyaar garoobayo laakiin, waxaan leeyahay
doorashada Wakiillada Iyo Deegaanka ayaa ka soo horaysa ee inaad xildhibaanno tayo leh soo saartaan oo u
sii xayd-xaydataan Doorashada Madaxtooyada.,” Cabdinaasir Cismaan Qodax
Xisbiga KULMIYE Oo Diiday Dalab WADDANI Uga Yimi Iyo Xiisad Ka Dhalatay.
Xisbiga KULMIYE Oo Diiday Dalab WADDANI Uga Yimi Iyo Xiisad Ka Dhalatay.