"Waxaynu Doonayna In WADDANI Noqdo Dawlad Dhisan Oo Diyaar Ah " Sucaad Carmiye Oo Xaalada Xisbiga WADDANI Ka Hadashay.

0
Thursday April 01, 2021 - 12:01:41 in by salman abdi
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaynu Doonayna In WADDANI Noqdo Dawlad Dhisan Oo Diyaar Ah " Sucaad Carmiye Oo Xaalada Xisbiga WADDANI Ka Hadashay.

    "Waxaynu Doonayna In WADDANI Noqdo Dawlad Dhisan Oo Diyaar Ah " Sucaad Carmiye Oo Xaalada Xisbiga WADDANI Ka Hadashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaynu Doonayna In WADDANI Noqdo Dawlad Dhisan Oo Diyaar Ah " Sucaad Carmiye Oo Xaalada Xisbiga WADDANI Ka Hadashay. Musharraxa Golaha Wakiillada Somaliland Marwo Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye) oo hadal ka jeedisay Munaasibad Casho sharaf ah oo Musharraxa Madaxweynaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Musharraxa Madaxweyne Xigeenka Mudane Maxamed Cali ku maamuuseen Golaha Dhexe iyo madaxda Xisbiga ayaa tilmaantay in Xisbiga WADDANI yahay mid aan la kala lahayn, islamarkaana iyada oo aan tacab hore galin si sharaf leh loogu soo dhaweeyay kana mid tahay musharraxiinta Xisbiga ee Wakiillada. Marwo Sucaad Carmiye ayaa ku dheeraatay dhibaatooyinka Somaliland ka jira ee ay rajaynayso in Xisbiga WADDANI xallin doono marka uu ku ku guulaysto talada dalka "Waxay Somaliland ka dhimatay waa rajada, waxaan rajaynayaa in Xisbiga WADDANI uu rajadaa dib u soo celiyo. Waxaan jecelahay In WADDANI noqdo mid dalka ka saara dhibaatooyinka badan ee ka jira iyo kala qaybsanaanta bulshada,” Sidaas ayay tidhi Sucaad Carmiye "Waxaynu doonayna in WADDANI noqdo oo hadda ka bilaabo in uu noqdo dawlad dhisan oo diyaar ah oo aanay qarbo qarbo inagu noqon marka aynu xilka qabano,” Sucaad Carmiye