Xog-Xasaasiyaha Ah:-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya

0
Thursday April 01, 2021 - 19:21:55 in by salman abdi
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-Xasaasiyaha Ah:-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya

    Xog-Xasaasiyaha Ah:-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-Xasaasiyaha Ah:-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah waxay ka yeesheen xaaladaha cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxayna baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

 

Kulanka Qaramada Midoobay ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxayna madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqeen iney si deg deg ah dalka uga qabtaan doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda xasilooni iyo Caddaalad.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan la joogo loo baahan yahay doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya oo aay ku qanacsan yihiin dhamaan dhinacyada isku haaya ismari waaga ka taagan doorashooyinka dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale Golaha Ammaanka isla qaateen qoraal aay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska kaasi oo ahaa mid walaac looga muujinayay xaalada kala guurka ah ee dalka Soomaaliya.

Kulankan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ilaa haatan aanan laga gaarin wax natiijo ah.