Dagaal culus oo saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose Iyo khasaha Ka DHashay

0
Saturday April 03, 2021 - 11:28:06 in by salman abdi
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose Iyo khasaha Ka DHashay

    Dagaal culus oo saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose Iyo khasaha Ka DHashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal culus oo saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose Iyo khasaha Ka DHashay

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegalay in xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka.

 

 
 
Gaar ahaan weerarkan oo ka dhacay deegaannada Adheegley iyo Bariire ayeey dagaalyahannada Al-shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

 

Dad ku sugan deegaannada uu weerarkan ka dhacay ayaa sheegay in salaada subax kaddib ''Aroornimadii saakay'' maqleen qaraxyo waaweyn oo lagu bilaabay weerarkan iyadoo intaa kaddibna labada dhinac is weydaarsadeen rasaas culus.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan saakay Al-shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose, hasse ahaatee weerar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha Dowladda ee gobolka Shabeellaha hoose wali kama aysan hadlin weerarkan, laakiin war ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan ay fuliyeen dagaalyahanno iyaga ka tirsan islamarkaana khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda.