Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Burco Oo Ka Hadlay Xaalado Taagan Iyo Fariin Uu Xukuumadda U Diray
Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Burco Oo Ka Hadlay Xaalado Taagan Iyo Fariin Uu Xukuumadda U Diray Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali
Muuse, ayaa ka hadlay abaaraha iyo biyo yaraanta deeganada dalka qaarkood ka jira, xanuunka Koronaha
iyo Doorashooyinka.
Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo u
warramayWargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Wax walba oo adduunka
korkiisa ka dhacaya ALLE wuu og yahay waanu sii qoray, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga hayo
masiibooyinka, balaayooyinka, xanuunada iyo abaaraha, haddana Abaarta adag, biyo yaraanta iyo
xanuunkan koronahaba ALLE ha inaga dulqaado, oo khayr ha inoogu beddelo, waana ducaynayaa, waxaana
ku ducaynayaa inuu mar walba ALLE inoo naxariisto, inuu mar walba ALLE khayrka ina waafajiyo, inuu
ALLE mar walba xaqa ina waafajiyo, inuu ALLE adduunka iyo akhiraba ina wanaajiyo, ee dadkeena
abaaruhu sida gaarka u taabteen iyaga iyo inteena kaleba waxaan ALLE inooga baryayaa inuu roob khayr
badan inoogu beddelo, ee dadkeenaas ha la ogaado, oo qof walba wuxuu u tari karo ha u taro, xanuunkan
koronahana waxaan ALLE inooga baryayaa inuu ka caafiyo dadkeena u jiifa, waxaana ALLE ka baryayaa
inuu inaga dulqaado xanuunkan iyo walib xanuunada kale ee jira..”.
Mar wuu ka hadlaayey nabadda ayuu yidhi "Nabadda ayey cid walba wax ku tahay, nabada iyo faa’iidada
ay leedahay cida aan haysan ayaa garanaysa, iimaanka iyo nabadana nabada ayaa la horeeysiyey ee mar
walba nabadgalyada aad ha loo ilaaliyo, oo ha laga dheeraado wax walba oo nabadgalyada dhib ku ah”.
Mar wuu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi "Dabcan dalkeena Doorashooyin ayaa ku soo fool leh, ee
ALLE ha inooga dhigo Doorashooyinkan Doorashooyin inoogu dhaca si wanaagsan oo nadiifa, insha
allaahna waxay inoo noqon doonaan Doorashooyinkani Doorashooyin lagu wada farxo”.
Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali
Muuse curashada bisha ramadaan oo Maalmo ka hadhsan yihiin, waxaanu ku taliyey in mar walba la
ogaado dadka masaakiinta ah ee aan wax haysan.
Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Burco Oo Ka Hadlay Xaalado Taagan Iyo Fariin Uu Xukuumadda U Diray
Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Burco Oo Ka Hadlay Xaalado Taagan Iyo Fariin Uu Xukuumadda U Diray