Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka oo maanta kulmaya

0
Monday April 12, 2021 - 09:28:30 in by salman abdi
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka oo maanta kulmaya

    Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka oo maanta kulmaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka oo maanta kulmaya

Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhigay dhamaanba jidadka soo gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo maanta oo Isniin ah lagu waddo in xildhibaannada Baarlamaanka fadhi ku yeeshaan xaruntooda Villa Hargeysa.

Kulanka maanta oo xalay lagu wargaliyay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana la sheegay in ajandaha kulanka uu noqonayo mooshin la xiriira doorashada Soomaaliya oo lagu duuldareystay is afgarad laga gaaro.

Waxaa soo baxaya shaki la xiriira in marka danbe guddoonka Baarlamaanku cod galiyo mooshinka halkaana uu ka soo baxo muddo korarsi muddo dheerba la hadal hayay.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaanba fashil ku soo idlaadeen kulamo xiriir ah oo madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ka yeesheen arrimaha doorashooyinka, waxaana ay ku eedeysay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay mas'uul ka yihiin wada hadallada fashilmay.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa baaqday kulamo uu yeelan lahaa Baarlamaanka kaasoo xildhibaannada mucaaradku ku sheegeen in la qorsheynayay muddo korarsi labo sano ah oo la horkeeno.