Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in muddo labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah

0
Monday April 12, 2021 - 17:18:37 in by salman abdi
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in muddo labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah

    Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in muddo labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in muddo labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah

Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa goor isku raacay shirciga jiheynta doorashooyinka Qaranka iyaga oo ansixiyay in muddo Labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in  in muddo 7-bil ah oo ka bilaabaneysay 1-ka November 2020 Ku siman 8-da Febaraayo 2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karay doorashooyinka.

 

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay in 153 Xildhibaan ay joogeen golaha ayna ogolaatay 149 xildhibaan, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan halka ay diidaan 3  xildhibaan kale sida uu natiijadaas ku dhawaaqay

Sharcigan ay Baarlamaanka ansixiyeen ayaa ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn doonto mudada Labada sano ah ee nagu soo foolka leh.