Madaxweyne Farmaajo oo dhamaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon

0
Wednesday April 14, 2021 - 16:26:06 in by salman abdi
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo dhamaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon

    Madaxweyne Farmaajo oo dhamaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo dhamaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyahii hore ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed Saadaq Joon ka xayuubiyay dhamaan darajooyinkii ciidan.

 

Wareegtada dhamaan darajada ciidan ee uu haystay looga xayuubiyay Saadaq Joon oo kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa si toos ah looga aqriyay talefashinka Qaranka Soomaaliya.

Saadaq Joon ayaa sidoo kale darajo ka xayuubintiisa ciidan lagu sheegay Qaran dumisnimo.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa maalin ka hor waxaa xilka qaadis ku sameeyay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar, waxaana xilkaasi si deg deg ah loogu magacaabay Farxaan Qaroole.