Wakhtigii loogu talagalay diiwaangalinta cod bixiyeyaasha oo la kordhiyay

0
Saturday April 24, 2021 - 11:12:09 in by salman abdi
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakhtigii loogu talagalay diiwaangalinta cod bixiyeyaasha oo la kordhiyay

    Wakhtigii loogu talagalay diiwaangalinta cod bixiyeyaasha oo la kordhiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhtigii loogu talagalay diiwaangalinta cod bixiyeyaasha oo la kordhiyay Sida uu shaaciyay Komishinka doorashooyinka ee Itoobiya waxaa labo toddobaad lagu daray wakhtigii loogu talagalay diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Komishinka ayaa sheegay in qaybo kamid ah ay u muuqatay mid dib u dhac ka jiray dhinaca furidda xarumaha qaar ee diwaangalinta codbixiyeyaasha.

Dhinaca kale degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo ka mid ah goobaha uu dib u dhacu ka jiray ayaa iyaga si gaar ah loogu kordhiyay saddex toddobaad inay kusocoto hawlaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha.

Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho loo dhan yahay,  inkastoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ka dayrinayaan siday u qabsoomayso doorashadan,  iyadoo dalka qaybo kamid ahi colaado ka jiraan.