Somaliland Oo Sheegtay In Ay Nabad La Doonayso Soomaaliya iyo Manqadaba.
Somaliland Oo Sheegtay In Ay Nabad La Doonayso Soomaaliya iyo Manqadaba. Jamhuuriyadda Somaliland xiqdi iyo cadaawad uma qabto
dalka Soomaaliya ee la dariska ah iyo shacbigeedaba, waxaana muddo dheer welwel iyo
walbahaar ku hayey qaxa iyo baro-kaca ka jiray dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu
wacan yihiin siyaasiyiintooda oo danahooda gaarka ah ka horreysiiya masaalixda guud
ee dalkooda, taasina ay geyeysiisay inay muddo dheer safka hore kaga jiraan dalalka
guul-daraystay ee caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo shalay socdaal
shaqo ku joogay magaallo xeebeeda Berbera, ayaa sheegay inuu si weyn uga xun yahay
in facilka Madaxweynaha Soomaaliya uu sababo in magaalada Muqidisho lagu kala qaxo
xiligan oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan iyo marxalada adag ee COVID-19ka.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland aanay naxli iyo
xumaato u haynin Shacabka Soomaaliya oo ay jecel yihiin inay ka baxaan dhibta,
waxaanu tilmaamay in cidda ay Somaliland is hayaan ay tahay tallo xumada siyaasiyiinta
iyo Hoggaanka dawladda Muqdisho.
Waxa kaloo uu farriin u diray shacbiga Muqdisho uu tilmaamay in dhibaatada ay afartii
sannadood ee u dambeeyey ay dareemeen ay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkiisa
sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay colaada Farmaajo iyo kuwii ka
horreeyeyba.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ifiimiyey inuu ka yax-yaxay ajendaha liita iyo talomaroorsiga Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay in lagu kala gurto Muqdisho, markii uu
dhegaysan waayey daneeyeyaashii doorashooyinka oo uu goostay inuu kaligii ku amar
ku-taagleeyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in ayaan-darrada ka jirta Villa Soomaaliya
ay sababtay in Golaha Ammaanka iyo Beesha caalamku ay culays iyo cadaadis saareen
Madaxweynaha Soomaaliya markii uu dhegaha ka furaystay shacbigiisii taasi oo nusqaan
ku ah shacbigiisa iyo karaamadii dalkiisaba.
Mr. Farmaajo oo riyo maalmeed ku guurayey ayaa aakhirkii la soo baxay hab-dhaqan ku
arooraya dugsigii Siyaad Barre ee uu ka soo aflaxay oo u ah higsi iyo marjac uu
tusaaleyaasha nolasha ka soo qaato, hase ahaatee madax-taagiisii ma uu mahadin ee
waxa uu ka dhaxlay in Xukuumaddiisu musalafto oo ay istaagto lacagtii Dawladaha
shisheeye iyo Hay’adaha caalamiga ahi ugu qaadhaami jireen.
Waxa la gaadhay in caalamku ku baraarugo farqiga u dhexeeya Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Soomaaliya, oo ah in Somaliland iyadoo aan caalamku farogelin ay ka
heshiiso wixii khilaaf ah ee ka aloosma dhexdeeda. Halka Soomaaliya quus laga istaagay
inay dhexdooda xal ka gaadhaan ilaa Dawladaha waaweyni awaamiir adag dusha kaga
keenaan.
Ugu dambayn, sida uu in badan fagaareyaasha ka xaqiijiyey Madaxweyne Muuse Biixi
Jamhuuriyadda Somaliland wax colaad ah uma hayso shacbiga Soomaaliya, waxaanay la
jeceshay inay nabadgelyo ku naaloodaan, hase ahaatee waxa Somaliland dooratay
soddon sanno ka hor inay Qarannimadeeda u madax-bannaanaato oo ay Soomaaliya
ahaadaan laba wadan oo daris iyo walaalo ah, taasi oo mustaqbalka faa’iido weyn u ah
Soomaalida oo dhan, sida imikaba nabadgelyada ay dawladnimada ka jirta Somaliland
ay u martigeliso cid kasta oo Soomaaliya u dhalatay oo nolol u soo raadsata Somaliland.
Somaliland Oo Sheegtay In Ay Nabad La Doonayso Soomaaliya iyo Manqadaba.
Somaliland Oo Sheegtay In Ay Nabad La Doonayso Soomaaliya iyo Manqadaba.