Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay ergeyga cusub ee midowga Africa

0
Sunday May 09, 2021 - 16:06:17 in by salman abdi
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay ergeyga cusub ee midowga Africa

    Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay ergeyga cusub ee midowga Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay ergeyga cusub ee midowga Africa

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu soo dhaweeyay ergeyga gaar ah ee Midowga Africa ay u soo magacaabeen Soomaaliya kaasoo noqonaya Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama.

Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa lagu yiri ''Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,”

Dhinaca kale isla qoraalka ayaa eedeyn loogu jeediyay La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyaga oo midowga Africa ka dalbaday in ay dib u eegis ku sameeyaan mas'uulkan.