Murashixiinta Doorashada Laba Deegaanka Iyo Wakiilada Oo Looga Digay Ololayaal Sharci daro Ah Oo Ay Sameeyeen
Murashixiinta Doorashada Laba Deegaanka Iyo Wakiilada Oo Looga Digay Ololayaal Sharci daro Ah Oo Ay Sameeyeen Guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee Komiishanka
doorashooyinka Qaranka ayaa War ay soo saareen waxay ku caddeeyeen in qaar ka mid ah murashixiinta
doorashooyinka isku sidkan ay bilaabeen olole wakhtigiisii ka soo hor maray oo ah sharci daro waxaymay
ugu baaqeen xisbiyada Qaranku inay murashixiinta ku ilaaliyaan sidii ay u ixtiraami lahaayeen sharciga loo
asteeyay ololaha doorashadda .
Warkan guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee komiishanka doorashooyinka Qaranka
oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta Karin News ayaa u dhignaa sidan:-
"Sidaynu wada ognahay Doorashooyinka isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada JSL waxaa
loo asteeyay 31-ja May, 2021 waxaana ka soo horayn doonta ololaha doorashada oo mudadiisiina wali la
astayn, waxaana murashaxiinta qaarkood bilaabeen olole aan wakhtigiisii la gaadhin, taas oo sharci daro ah.
Xisbiyada Qaranka waxaa la farayaa in ay murashaxiintooda ku ilaaliyaan sidii ay u ixtiraami Iahaayeen
sharciga loo asteeyay ololaha ooorashadda.
Sidaa daraadeed cidkasta oo u hoggaansami wayda sharciga doorashooyinka waxay la kulmi doonaan
anshax marin waafaqsan Xeer LR . 91/2020 & Xeerka Habdhaqanka Xisbiyada Qaranka ee Doorashadda ee
Xeer Lr. 04/202
Murashixiinta Doorashada Laba Deegaanka Iyo Wakiilada Oo Looga Digay Ololayaal Sharci daro Ah Oo Ay Sameeyeen
Murashixiinta Doorashada Laba Deegaanka Iyo Wakiilada Oo Looga Digay Ololayaal Sharci daro Ah Oo Ay Sameeyeen