Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay Muqdisho

0
Saturday May 22, 2021 - 16:43:46 in by salman abdi
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay Muqdisho

    Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay Muqdisho Ra’iisul wasaaraha xukuumadda ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

 

Dhamman madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shirkaan ka qeyb galaya, waxaana looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii 17 september.

Qodobada shirkaan looga dooddidoono waxaa kamid ah guddiyada doorashada ee lagu muran sanyahay, arrinta gobolka Gedo iyo amniga doorashada.

Waa shirkii ugu horeeyay ee raysal wasaaruhu shir guddoominayo kadib markii kowdii bishaan May uu madaxweyne Farmaajo raysal wasaaraha ku wareejiyay hoggaaminta doorashada.

Golaha musharraxiinta oo dibad joog ka ah shirkaan ayaa dhinaca kale il gaar ah ku haya waxyaabaha kasoo bixidoona, iyagoo soo dhoweeyay in raysal wasaaruhu la wareego talada doorashada.