Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka TAIWAN Oo Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland

0
Tuesday June 08, 2021 - 12:33:11 in by salman abdi
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka TAIWAN Oo Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka TAIWAN Oo Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka TAIWAN Oo Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu kulan dhinaca khadka Telefoonka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Wasiir Joseph Wu iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay doorashadii Golaha Wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland oo 31 bishii la soo dhaafay ee May ka dhacday deegaanada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa Muuse Biixi ugu hambalyeeyay qaabka ay u dhacday doorashada, isla markaana balan qaaday Wasiirka inay si dhow ula shaqeyn doonaan Madaxda Somaliland, ayna ka taageeri doonaan dhinacyo kala duwan. Taiwan ayaa 2 Milyan oo doollar ay ku taageertay doorashadii Somaliland, isla markaana waxaa xusid mudan inay ku wareejiyeen qalabka loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System. Si kastaba Taiwan iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo dhinacyo kala duwan u saleysan, waxaana Taiwan ay Xarun safaarad ku leedahay gudaha Magaalada Hargeysa.