Waddani Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Isbahaysiga Siyaasadeed U Leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ah.

0
Monday June 14, 2021 - 13:15:34 in by salman abdi
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Isbahaysiga Siyaasadeed U Leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ah.

    Waddani Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Isbahaysiga Siyaasadeed U Leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddani Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Isbahaysiga Siyaasadeed U Leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ah. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in isbahaygsiga ay samaysteen WADDANI iyo UCID uu guul u yahay mucaaradka isla markaana aanu wax cusub ahayn. Guddoomiyaha WADDANI oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad ay Xisbiyada UCID iyo WADDANI u qabteen Xildhibaannada uga soo baxay Hargeysa iyo Burco ee Golaha deegaanka, ayaa yidhi "Waxa guul u ah labada xisbi in ay samaystaan isbahaysi siyaasadeed” Guddoomiyaha WADDANI wuxuu sheegay inaan Isbahaysiga siyaasadeed aanu ku cusbayn Somaliland "Isbahaysiga siyaasideed kuma cusba Somaliland. 2005 xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID ayaa isbahaysi samaystay, isbahaysigaa ayaan anigu kasoo baxay oo aan ku noqday Guddoomiyaha baarlamaanka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in axsaabta mucaaradka ah ay u banaan tahay in ay isbahaysi samaystaan "Waxaan maqlyay qaar Kulmiye ah oo leh isbahaysigu waa xaaraan, ma barigaa (isbahaysigii 2005 ee Kulmiye iyo UCID) ayuu tolow xalaal ahaa baan is idhi” Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa samaystay isbaysi siyaasadeed oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan aqlabiyadda Golayaasha wakiillada iyo deegaanka.