Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag ku labisan dareeska ciidanka oo dadka dhici jiray

0
Wednesday June 30, 2021 - 13:14:36 in by salman abdi
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag ku labisan dareeska ciidanka oo dadka dhici jiray

    Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag ku labisan dareeska ciidanka oo dadka dhici jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag ku labisan dareeska ciidanka oo dadka dhici jiray Ciidamada Booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 14 nin oo ku labisnaa dareeska ciidanka, kuwaas oo dhac ka geysanayay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ku simaha afhayeenka booliiska Soomaaliya gaanshaale Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay raggaan lasoo qabtay in ay ku hubaysnaa hubka fudud sida qoryaha AK47 iyo bistoolado islamarkaana ay iska dhigayeen ciidanka milaratiga Soomaaliya.

Ku simaha afhayeenka ayaa sheegay soo qabashada raggaan in ay gacan ka geystaan shacabka magaalada Muqdisho, kuwaas oo habeen walba dhibbanayaal u noqday dhac iyo boob joogto ah.

Gaanshaale Cabdifitaax wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan kooxo kale oo laamaha amnigu xogtooda hayaan, kuwaas oo dadweynaha dhac ugu geysta iyagoo isticmaala dareeska ciidanka.

Bilihii ugu dambeeyay, waxaa Muqdisho lagu qabtay dhalinyaro badna oo lagu eedeeyay in ay dadka baaran jireen, kuwaas oo aan weli qaarkood maxkamad lasoo taagin.