Dowladda Maraykanka oo shaacisay in ciidamo Soomaaliya u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen dalka Ethiopia

0
Friday July 02, 2021 - 18:01:12 in by salman abdi
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo shaacisay in ciidamo Soomaaliya u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen dalka Ethiopia

    Dowladda Maraykanka oo shaacisay in ciidamo Soomaaliya u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen dalka Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Maraykanka oo shaacisay in ciidamo Soomaaliya u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen dalka Ethiopia Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.

Robert F. Godec, ayaa hadalkaan sheegay kadib markii Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ay weydiisay waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray.

"Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood” ayuu yiri Robert F. Godec.

Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay'adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalka waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Sidoo kale, dhawaan maamul goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay dhalinyaro lagu sheegay in ay ahaayeem kuwii loo qaaday dalka Eritrea ee kasoo baxsaday xeryaha lagu tababarayay, kadib markii ay sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen ciidamada Eritrea.