Fashil Durba Hor-yaala Maayirka Burco Iyo Go'aano Mad-Madow Ku Jirro Oo Uu Ku Dhawaaqay?
Fashil Durba Hor-yaala Maayirka Burco Iyo Go'aano Mad-Madow Ku Jirro Oo Uu Ku Dhawaaqay? Maayirka magaaladda Burco Cabdirisaaq Ibraahim Hero, oo ay hareero joogaan
mudanayaasha golaha deegaanka, ayaa bulshada u diray fariin baaq ah oo ay kaga qayb gelayaan olole
nadaafadeed oo loo asteeyay maalinta Khamiista
Maayirka ayaa afkiisa kaga dhawaaqay in Khamiista soo socota shacabka burco loogu baaqayo inay isugu soo
baxaan olole Nadaafadeed, Maayir Cabdirisaaq Hero, bulshada Burco uma cadaynin meelaha bartil-maameedka
u ah ee qashinka ama ololaha nadaafadda laga bilaabayo ee si guud ayuu u mudeeyay inay shacabku isugu soo
baxaan taas oo ah shaqo tabaruc ah oo aan jiho lahayn
Maayirka Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa hore u shaaciyay in Khamiista Olole la gelaayo wuxuuna
bartilmaameed ka dhigay Dooxa weyn ee Hargaysa, taas oo bulshada qaybaheeda kala duwan ay si cad u
garanayeen halka laga bilaabayo ololaha nadaafadeed ee maayirku ku baaqay balse maayirka burco oo u
muuqda mid laab la kac ah oo ka hargaysa ku dayanaya ayaan weli bulshadiisa u sheegan goobo rasmi ah oo
bulshadu isugu imanayso si ololaha nadaafadeed looga fuliyo
Maayirka burco, oo afkiisa ka sheegaya in khamiista la isugu soo baxayo olole Nadaafadeed ayaa yidhi:-
"Ololaha nadaafadda waxaanu u cayinay Maalinta Khamiista, taas oo socon doonta maalin walba inta bisha ka
hadhay, sidaas aw-geed Khamiista waxaanu ku dooranay dadku inay Fursad hayaan dadkii noo helanaana ay
nagula shaqeeyaan anaguna aanu qorshe kaldhac leh ku diyaarino dadkana kaga bad-baadino qashinka” Sida
waxa warbaahinta u sheegay Maayirka Burco
Maayirka Burco Cabdirisaaq Hero, oo ay garbihiisa joogaan mudanayaasha golaha deegaanka, ayaa tilmaamay
inay 8 meelood ay geli doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye balse faah-faahin dheeri ah kama bixin 8
meelood goobaha ay yihiin bulshadana si fiican uguma sheegin goobaha ololaha lagu bilaabayo sida looga qayb
qaadanayo iyo xiliga la bilaabayo toona wuxuuna yidhi mar kale isaga oo hadlaya:- "Goobo ayaynu geli doonaa ilaa 8 ah qaabab ayaynu u geli doonaa intaana waxaanu sameyn doona tiirar anaga
noo gaar ah oo aanu fulin doono oo qaybaha kala duwan ee qashinka ah waxaana dhinac socota in wadooyinkii
la baneeyo oo garan waaga iyo dhagaxa laga baneeyo” Cabdirisaaq Hero Maayirka Burco
Maalinka Khamiista ayay golaha deegaanka Burco, shacabka magaaladda ugu baaqeen inay Olole nadaafadeed
sameeyeen waxaana ay si wadda-jira u sheegeen in 8 goobood la geli doono balse may xaqiijin meelaha ay
yihiin mana ay bixin faah-faahin qancin karta bulshada si ay ugu diyaar garoobaan ololaha nadaafadeed Golaha deegaanka Burco, oo maayir iyo maayir ku xigeen u doortay dhalinyaro, ayaa waxa ka muuqda sal
fudayd siyaasadeed waxaana ka maqan waayo-aragnimo badan oo u baahan bisayl siyaasadeed iyo aragti fog oo
ku salaysan xog-ogaalnimo xeel-dheeri ku jirto
Fashil Durba Hor-yaala Maayirka Burco Iyo Go'aano Mad-Madow Ku Jirro Oo Uu Ku Dhawaaqay?
Fashil Durba Hor-yaala Maayirka Burco Iyo Go'aano Mad-Madow Ku Jirro Oo Uu Ku Dhawaaqay?