Suudaan Oo Ka Baxaysa Heshiis Uu Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayey Iyo Su'aalo La Iska Waydiiyey Qorshaha Xiga+Somaliland
Suudaan Oo Ka Baxaysa Heshiis Uu Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayey Iyo Su'aalo La Iska Waydiiyey Qorshaha Xiga+Somaliland – Dawladda Suudaan, ayaa ku dhawaaqday inay dib u eegayso heshiis ay la
gashay Ruushka, kaasi oo dhigayey in Ruushku uu saldhig Ciidan ka samaysto Suudaan.
Taliyaha guud ee Ciidammada Suudaan Muhammad Othman al-Hussein, ayaa laga soo xigtay in
Suudaan ay dib u eegayso heshiiska ay sannadkii hore la gashay Ruushka si uu Saldhig Ciidan uga
samaysto halkaasi, waxaanu Taliyuhu sheegay in heshiiska qodobbo ka mid ahi ay khatar ku yihiin
Suudaan, sidaasi darteed ay dib u eegis ku samaynayaan, suurto-galna ay tahay inay ka noqdaan
"Qaar ka mid ah qodobbada heshiiska ayaa waxyeelo u keenaya Suudaan.” Ayuu yidhi, Taliyaha
guud ee Ciidammada Suudaan oo u warramay Blue Nile TV channel, waxaanu intaa ku daray oo uu
Shacabka Suudaan xasuusiyey inaan weli heshiiska laga ansixinin Goleyaasha Sharci-dejinta
Suudaan, sidaasi darteed aan lagu dhaqmi karin ama aan la bilaabi Karin hirgelinta saldhiggaasi
Ciidan.
Sarkaal kale oo ka mid ah Milletariga Suudaan oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inaan Go’aanka
cusub ee Suudaanka gaadhay uu xidhiidh la leeyahay culays Suudaan kaga yimid Dawladda
Maraykanka.
Laakiin, Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood, ayaa suáal-geliyey in Somaliland noqon karto
Goobta cusub ee uu Ruushku ka samaysan karo Saldhig Ciidan, maaddaama oo Suudaan shaki ka
muujisay in Saldhig uu Ruushku dalkeeda ka samaystaa uu khatar ku yahay.
Warbaahinta Modern diplomacy, ayaa War-bixin dheer oo uu arrintan ka qoray wuxuu isku
waydiiyey in Somaliland noqon karto dalka kale ee Ruushku ka fushan karo Qorshihii Saldhigga
Ciidan ee Suudaan uga hirgeli waayay "Somaliland Beddel Ma u Noqon Kartaa Qorsheyaasha
Saldhigga Ciidamada Badda Ee Ruushka ee dhibaatada ku haya Suudaan..” ? ayuu qoray Modern
diplomacy, waxaanu intaa ku daray in Ruushku uu Somaliland ku yeelan karo Saldhig la mid ah
Saldhig Ciidan oo Imaaraadku ka dhisay Berbera, kaasi oo markii dambe loo rogay xarun rayid, sida
ay Warbaahintani sheegayso "Haddii la laalay Qorsheyaashii Ruushka ee Suudaan, ha ahaato
Cadaadis uu Maraykanku saaray Suudaan iyo inay mudnaanta Suudaan ku timidba, markaa
Ruushku waa inuu tixgeliyaa sidii uu sida dhakhsaha badan u heli Dal Gobolka ku yaalla oo u
beddela Suudaan, sidaa darteed waa in la baadhaa khasaaraha iyo Faa’idada ku jirta dhismaha
xarun la mid ah Ta ka jirta Somaliland..
Warbaahinta Modern diplomacy, wuxuu intaa ku daray in Sannadkii 2018-kii ay faafeen Warar aan
la hubin, kuwaasi oo sheegayey inuu Ruushku Saldhig ka samaysanayo Magaalo Xuduud la leh
Jabuuti.
Modern diplomacy, wuxuu intaa ku daray in Siyaasaddii Milletari ee Imaaraadku ka damacsanaa
Somaliland ay isku rogtay Jihada dhaqaalaha, ka dibna uu furay Albaabadii loo baahnaa, taasina ku
timid siyaasadda Hoggaanka Somaliland.
Suudaan Oo Ka Baxaysa Heshiis Uu Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayey Iyo Su'aalo La Iska Waydiiyey Qorshaha Xiga+Somaliland
Suudaan Oo Ka Baxaysa Heshiis Uu Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayey Iyo Su'aalo La Iska Waydiiyey Qorshaha Xiga+Somaliland