Doorashadii aqalka sare Ee Somalia Oo Mar kale Dib u Dhac Kuyimid.

0
Saturday July 24, 2021 - 17:49:08 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadii aqalka sare Ee Somalia Oo Mar kale Dib u Dhac Kuyimid.

    Doorashadii aqalka sare Ee Somalia Oo Mar kale Dib u Dhac Kuyimid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadii aqalka sare Ee Somalia Oo Mar kale Dib u Dhac Kuyimid. Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada aqalka sare xilli ay maalinta berri ah ay ku beegan tahay doorashada xildhibaanada aqalka sare, sida ku qoran jadwalka doorashada ee heshiiskii june 29keedii.

Maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 24ka July, waxaa qorshuhu ahaa in dowlad goboleedyadu soo gudbiyaan liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta aqalka sare, si ay berrito doorashadu u qabsoomto.

Guddiyadii maamuli lahaa doorashooyinka aqalka sare, kuwaas oo ka imaan lahaa barlamaanada maamul goboleedyada, ayaa weli lasoo magacaabin marka laga reebo maamulka Jubbaland oo horey u soo magacaabay.

Dib u dhaca doorashada aqalka sare waxay sidoo kale dib usii riixaysaa jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya, ayaa horay u sheegay in jadwalkii ay soo saareen bishaan 19keedii uu yahay jadwal kama dambeys ah oo ay filayeen in aanu dib u dhac kale imaan doonin.

Guddiga ayaa dib u dhac kaste oo ku yimaada doorashada aqalka sare sheegay in ay masuuliyaddiisa qaadanayaan dowlad goboleedyada oo iyagu leh awoodda doorashada aqalka sare.