Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeymo lagu garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen aagga Qeycad

0
Sunday August 01, 2021 - 19:08:50 in by salman abdi
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeymo lagu garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen aagga Qeycad

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeymo lagu garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen aagga Qeycad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeymo lagu garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen aagga Qeycad
War-saxaafadeed maanta oo Axad ah kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ay habeenimadii xalay weerar cirka ah la beegsadeen Al-Shabab meel u dhow magaalada Wasil ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri, "Tani waa dharbaaxo kale oo weyn oo soo food saartay Al-Shabaab. Duqeynta ayaa burburisay goob weyn oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada Danab iyo kuwa XDS ku soo dhowaadeen. Hawlgalladan ayaa xaddidaya awoodda Al-Shabaab ee ah inay dilaan oo ay argagaxiyaan dadka Soomaaliyeed."

Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si joogto ah u fuliya duqeymaha cirka si ay u taageeraan howlgallada ciidamada dowladda ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Waa markii 3aad oo diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gobolka Mudug 15 maalmood gudahood.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in ay iska caabisay weerarka lagusoo qaaday, waxayna xaqiijisay in lasoo beegsaday saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanka Qeycad oo ku dhow degmada Wisil.