Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneyso magaalada Baydhabo iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay

0
Monday August 02, 2021 - 13:03:50 in by salman abdi
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneyso magaalada Baydhabo iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay

    Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneyso magaalada Baydhabo iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneyso magaalada Baydhabo iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed ayaa si rasmi ah u diiwan geliyay 10 xubnood oo ku tartamaya shan kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashooda tahay Koofur Galbeed.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee la xiriirta doorashada Aqalka sare ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Baydhabo, waxaana aad loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo ku sugan xubno kala duwan oo ka kala socda guddiyada doorashada heer Fedaraal, kan Xalinta Khilaafaadka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo goob joogayaal ka noqonaya hanaanka ay u dhaceyso doorashada maanta ka bilaabaneysa magaalada Baydhabo.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii labaad ee qabta doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.