Xoghayihii Guud ee Golaha Wakiillada Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Gudomiye Cirro oo cambaareyey Xadhigiisa

0
Saturday November 15, 2014 - 08:53:49 in by salman abdi
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayihii Guud ee Golaha Wakiillada Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Gudomiye Cirro oo cambaareyey Xadhigiisa

    Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Xoghayihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, xilli xiisada u dhaxaysa Golaha wakiilladu cirka isku sii shareertay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Xoghayihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, xilli xiisada u dhaxaysa Golaha wakiilladu cirka isku sii shareertay.


Xoghayaha ayaa laga qabtay Gurigiisa magaalada Hargeysa, sida ay goob-joogeyaal Warbaahinta u sheegeen, laakiinse lama oga meesha lagu xidhay iyo sababta loo xidhay toona.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada ammaanka oo tafaasiil looga bixiyay xadhigiisa, hase ahaatee waxa loo aanaynaya xadhigiisa arrin ku saabsan Khilaafka Golaha uu xoghayaha ka yahay habeen hore.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa Khamiistii markii la bedelay Ilaaladii xarunta Golaha Wakiilada sheegay inaan wax ogaysiin ah lagu siin beddelka Ciidanka lagu sameeyay, isagoo arrintaasi ku eedeeyay Taliska Ciidanka.

Geesta kale Guddoomiyaha Golah Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo xalay saacad dambe shir-jaraa’id ku qabtay Hudheelka Shiraaqle ee Bariga Hargeysa, Isagoo cambaareeyay xadhiga loo geystay xoghayaha iyo ciidama la dhigay golaha.



Contact@afkashacabka.com