War Degdeg ah: Guddomiye Cirro iyo Xildhibaanadii Mucaaradka ahaa oo shirjaraaid ku qabtay Emperial, iyo Mudanayashi Muxafadka aha oo ay hogaminayan labadi kuxigeen oo ku sugan Aqalka Wakiilada

0
Saturday November 15, 2014 - 08:58:53 in by salman abdi
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Guddomiye Cirro iyo Xildhibaanadii Mucaaradka ahaa oo shirjaraaid ku qabtay Emperial, iyo Mudanayashi Muxafadka aha oo ay hogaminayan labadi kuxigeen oo ku sugan Aqalka Wakiilada

    Waxa la xidhay Guud ahaanba Wadooyinka soo Gala Aqalka Wakiilada, Waxan la yareeyey dhaqdhaqaaqa Gaadiidka, Xildhibanadii Mucaaradka ee ahaa Garabka Gudomiye Cirro ayaa saka subaxnimadii hore soo fadhiistay Hotel Emperial, waxayna Warbaahinta kula ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la xidhay Guud ahaanba Wadooyinka soo Gala Aqalka Wakiilada, Waxan la yareeyey dhaqdhaqaaqa Gaadiidka, Xildhibanadii Mucaaradka ee ahaa Garabka Gudomiye Cirro ayaa saka subaxnimadii hore soo fadhiistay Hotel Emperial, waxayna Warbaahinta kula hadleen halkaas, Gudomiye Cirro ayaa sheegay inta Ciidanku Golaha haysto ee aanu xorta ahayn inaanu Golaha Furi Doonin, isago xukumada ugu baaqay in ciidanka golaha laga qaado si uu wajibaadkiisa u guto, wuxu kalo tilmaamay in goluhu aanu xor ahayn oo laga hor istaagay wixi ummadu u dooratay iyo waajibaadkoodi.

Madaxdhaqameedkii Gobolka Awdal ayaa mudanayaasha ugu jira Golaha wakiilada ku soo amary inay garabka Guddomiye cirro raacaan oo ay ka baxaan garabka xukuumadda, waxana Mudanayaashii Golaha wakiilada ee gobolka AWDAL iskaga baxeen golaha iyagoo Hotel Emperial ugu tagay Garabka Mucaaradka ee uu hogaamiyo Gudomiye Cirro, Waxa loo Diiday inay Gudaha u galaan Golaha Inta badan warbaahintii madaxa bannaanayd, iyadoo loo ogolaaday oo ay gudaha ugu jiraan golaha  Televisionada  SLNTV, Universal ,Kalsan, Somalichannel , iyado websiteyada iyo joornaaladana lo ogolaada waaheen, Dhammaan warbahintii kale ayaa Bannaanka ka joogta Golaha, Waxana Qaarkood la hadlayeen Wasiirka Warfaafinta iyo kuxigeenkiisa oo ay ugu hanjabayeen inay Warkaas mucaaradka oo keliya sii deyn doonaan oo ay weliba buunbuunin doonaan hadii aan loo ogolan inay gudaha u galaan golaha si ay u baahiyaan warar isu dheelitiran oo labada dhinacba khuseeya, una gutaan waajibaadkooda.

Waxana laga war dhowrayaa Waxaa daqiiqadahan ka dhex dhaca golaha, in loo ogolaado warbaahinta madaxa banaan iyo in kale, in ciidanka laga kor qaado si garabka mucaaradku golaha u soo galo iyo in garbakaa muxaafadka ah oo keliyi keenaan mooshinka lagu ridayo guddomiyaha oo ay shirka furaan labaa kuxigeen ee shirgudoonku.

kala soco shebekedda afkashacabka.com halka kolba xaal marayo ee golaha wakiilada 

Contact@afkashacabka.com