Daawo Sawirada :Qayb ka mid ah Magaalada Burco oo Qiiqa iyo Sawaxanka Rasaastu is qabsatay, Dhalinyaro Waddooyin Badan Xidhay iyo Ciidamo Milleteri iyo Boolis isugu jira oo Dhalinyarada Baacsanaya

0
Saturday November 15, 2014 - 11:10:59 in by Burco Office
  • Visits: 2860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada :Qayb ka mid ah Magaalada Burco oo Qiiqa iyo Sawaxanka Rasaastu is qabsatay, Dhalinyaro Waddooyin Badan Xidhay iyo Ciidamo Milleteri iyo Boolis isugu jira oo Dhalinyarada Baacsanaya

    Afaafka hore ee Dawladda Hoose ee Burco Waxaa Saaka ka bilaabmay Mudaharaad Dhalinyaro Gadoodsani ka sameeyeen, Dhalinyaradan oo Fulinaya Qaylodhaantii Xisbiga WADANI iyo Baaqi ay ugu Baaqeen inay Sabtida Mudaharaad ballaadhan ka sameeyaan Gobolka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afaafka hore ee Dawladda Hoose ee Burco Waxaa Saaka ka bilaabmay Mudaharaad Dhalinyaro Gadoodsani ka sameeyeen, Dhalinyaradan oo Fulinaya Qaylodhaantii Xisbiga WADANI iyo Baaqi ay ugu Baaqeen inay Sabtida Mudaharaad ballaadhan ka sameeyaan Gobolka ayaa Taayiro ku gubay Waddooyin badan oo Badhtamaha Magaalada ku yaalla, Dhalinyaradaasi Gadoodsan Waxa Mudaharaadkooda iyo inay dareenkooda muujiyaan u ogolaaday Ciidamo Boolis ah oo Gaadh ka hayey wixi amni darro ah ee gadoodkaasi keeno, waxana dhalinyaradani diideen ciidama booliska ah ee waddooyinka Tuban, Waxay Ciidamadii Ammaanka u taabteen Dhulka iyago dhagax oodda kaga qaaday ciidama booliiska ayaa rasaas ay cirka u ridayan u adeegsaday inay ku kala dareeriyaan balse dhalinyaradii ayaa ku kala tegi waayey rasaastaasi kor u dhacaysay, waxana loo dalbaday oo goobta yimi Ciidamo Milleteri ah, kuwaaso iyagoo baabuurtooda saaraan hoos ugu dhigay rasaas ay ku dhinteen 1 Qof kuna dhaawacmeen 5 Ruux oo kale inta la hubo, waxana dhaawacyada iyo maydkaba loo la cararay cisbitaalka guud ee burco. Wixi warar ka so kordha kala soco afkashacabka.com

Cabdirisaq Koronto
Afkashacabka.com
Burco / Office

Contact@afkashacabka.com