Taliye Fadal iyo Wasiirkuxigenka Amniga oo ka hadlay Xildhibanada iyo Suxufiyinta la xidhay
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman iyo wasiir ku xigeenka Amniga ayaa cadeeyey inay xidheen shan xildhibaan ,kuwaas oo ay sheegeen inay ciidamada Booliska la dagaalameen.
Xildhibanada la xidh xidhay ayaa kala ah Xildhibaan Bashiir Tukaale,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire,Xildhibaan Maxamed Saalax,Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,kuwaas oo ay sheegeen inay la dagaalameen ciidamada Amaanka oo ay shiideen.
Waxaanay sheegeen inay xildhibaanadaasi ku kaceen falal amni daro,iyaga oo dadweynaha kiciyey,waxaanay intaas ku dareen inay maxkamad hor geyn doonaan xildhibaanadasi ,iyada oo ay jiraan in qaar kamid ah xildhibaanadaasi ay ciidamadu garaaceen.