Guddomiyaha Guud ee Shebekedda Caalamiga ah ee Afkashacabka.com ayaaa Maanta la guddoonsiiyey Abaalmarinta sannadka 2014 ee Danta Guud iyo Daryeelka Bulshada.+Sawiro

0
Saturday December 13, 2014 - 22:59:56 in by salman abdi
  • Visits: 2262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Guud ee Shebekedda Caalamiga ah ee Afkashacabka.com ayaaa Maanta la guddoonsiiyey Abaalmarinta sannadka 2014 ee Danta Guud iyo Daryeelka Bulshada.+Sawiro

    Gudoomiyah Guud ee Shabakada Afkashacabka ayaa Lagu Siyay Karti iyo Dadaalka Dheerada oo Uu Galiyay Dhanka Arimaha Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyah Guud ee Shabakada Afkashacabka ayaa Lagu Siyay Karti iyo Dadaalka Dheerada oo Uu Galiyay Dhanka Arimaha Bulshada
Guddomiye Mustafe Osman Abdirahman (Mustafe Teacher) oo ka mid ah Tiirarka Dhalinyarada Somaliland isla markaasna Dhaqdhaqaaq badan iyo kaalin firfircoon oo u muuqata ku dhex leh Dhalinyarada Somaliland si weyna looga yaqaan Gobolka Togdheer oo uu Deggen yahay iyo Guud ahaanba Gobolada Dalka ayaa Markii 2aad ku Guuleystay Abaal marin Caalami ah oo sannad kasta si heer qaran ah loogu maamuuso Dadka ka dhex muuqda Bulshada ee Sida Mutadawacnimada ah wakhtigooda, maankooda iyo maalkoodaba u geliya Danta guud iyo Daryeelka Bulshada, Mustafe Teacher Waxa uu ku Caan yahay ka shaqaynta Danaha Dhalinyarada, isagoo si weyn uga dhex muuqda had iyo jeer Bar kulanada aqoonyahanka dhalinyarada Somaliland, waxana uu Door muhiima ku lahaa Shirweynihii Ugu danbeeyey ee Markii u horeysay Dhalinyarada Somaliland isugu timaado, Mustafe Teacher Waa Suxufi, Qoraa, Macalin, iyo Weliba Masuul Xilalka kala Duwan ka haya Dallada SYNA ee iskuxidhka iyo wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland, Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan iyo Shebekeda afkashacabka.com, Hadabba Shaqaalaha iyo Masuliyinta Kala Duwan ee Shebekedda Afkashacabka.com waxay hambalyo iyo duco ba u dirayaan Guddomiyahooda Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher oo maanta ku guuleystay Abaalmarinta Danta guud iyo Daryeelka Bulshada oo uu siiyey ururka SODRA, isagoo horena sannadki 2011 ugu guuleysatay weriyaha sannadkaas ugu fiicana weriyasha somaliland, wakhtigii uu ka shaqaynayey Shebekedda Hadhwanag.





Contact@afkashacabka.com