Xukuumadda oo ka hadashay Xayiraada Wargeyska Hatuf iyo Sababaha loo xayiray

0
Wednesday April 09, 2014 - 09:21:58 in by Super Admin
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo ka hadashay Xayiraada Wargeyska Hatuf iyo Sababaha loo xayiray

    "aniga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ayuu cay laf jab ku ah Somaliland iyo annigana (iga baahiyey), waana ayaan daro, la iskamana xidhin ee maxkamadda ayaanu u gudbinay" Wasiir Cali warancade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"aniga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ayuu cay laf jab ku ah Somaliland iyo annigana (iga baahiyey), waana ayaan daro, la iskamana xidhin ee maxkamadda ayaanu u gudbinay" Wasiir Cali warancade

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xayiraadda lagu soo rogay Wargeyska Madaxa-banaan ee Haatuf, waxayna sheegtay inay dacwaddiisa Maxkamadda u gudbisay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, oo shalay la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inaan la ogollaanayn in saxaafaddu ay masuuliyiinta ka sheegto waxaan jirin, lana mdi yihiin dadka lagu dhaqayo sharciga dalka yaala "Waddanku wuxuu leeyahay qawaaniin, qawaaniintaasna cid ku xad gudbi kartaa ma jirto, qofku hadduu dambi galena la iskama xidho ee dacwad-baa laga gudbiyaa, markaa anniguna waxaan ka mid ahay dadka Wargeysku aflagaadeeyay, aniga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ayuu cay laf jab ku ah Somaliland iyo annigana (iga baahiyey), waana ayaan daro, la iskamana xidhin ee maxkamadda ayaanu u gudbinay, sidaa awgeed-baa lagu xidhay, kiiskuna wuu socdaa waxaana la doonayaa inuu caddeeyo wixii uu anniga iyo Madaxda kale ka sheegay, hadday caddeyn waayaana sharciga ayaa la marinayaa..”

Wasiirka oo la waydiiyey in xukuumaddu ay cabudhinayso saxaafadda iyo isla-markaana dhaliisheeda diidayso, ayaa ku jawaabay "Dawladdu ma diiddana wixii dhaliil ah ee laga sheegayo, weliba waanu u ducaynaa kuwa noo sheega wixii dhaliil ah ee jira, si aanu u hagaajino, laakiin waxaan la ogolayn beenta, isku dirka iyo aflagaadada iyo in dadka la ceebeeyo iyaga oo aan eed lahayn, qofkuna maaha inuu xorriyad u leh inuu cid walba nijaaseeyo”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Imika lama xidhin (Wariyayaasha Haatuf) laakiin Maxkamadda ayaa la geynayaa, waxaana laga doonayaa inay caddeeyaan fitmada iyo aflagaadada ay sameeyeen, haddii ay caddeyn waayaana waxay sharciga kala kulmaan ayay leeyihiin, annaguna dacwaddayada waanu geynay Maxkamadda”





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com