Wasiirka Biyaha Somaliland oo Dhagax Dhigay Xafiisyo Cusub oo laga Hirgelinayo Wakaladda, Sido kalena Ka qaybgalay

0
Wednesday April 09, 2014 - 14:55:14 in by Super Admin
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha Somaliland oo Dhagax Dhigay Xafiisyo Cusub oo laga Hirgelinayo Wakaladda, Sido kalena Ka qaybgalay

    Munasibadd Ballaadhan oo Wakaaladda Biyaha Burco ku soo Bandhigaysay Waxqabadkeedii 2013 ayaa Saaka Lagu qabtay Xarunta Wakalaadaasi. +SAWIRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munasibadd Ballaadhan oo Wakaaladda Biyaha Burco ku soo Bandhigaysay Waxqabadkeedii 2013 ayaa Saaka Lagu qabtay Xarunta Wakalaadaasi. +SAWIRO

Wasiirka Biyaha Somaliland oo Ka qaybgalay Munasibadd Wakaaladda Biyaha Burco ku so Bandhigaysay Waxqabadkii Wakaladda ee 2013 isla markasna Dhagax Dhigay Xafiisyo Cusub oo laga Hirgelinayo Wakaladda

Munasibadd Ballaadhan oo Wakaaladda Biyaha Burco ku soo Bandhigaysay Waxqabadkeedii 2013 ayaa Saaka Lagu qabtay Xarunta Wakalaadaasi.

Munasibaddan oo ay ka soo Qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL Xusen Axmed Cabdilaahi, Badhasabkuxigenka ahna ku simaha Badhasabka Gobolka Togdheer, Mr Ubaxle, Maayarkuxigenka ahna kusimaha Maayarka Mr. Xoday, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer, Gaashaanle Cabdi Muuse, Xubno kamid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Burco, Masuliyiinta iyo Shaqaalaha Wakaaladda Biyaha, Cuqaal, Salaadiin, Culimo awdiin, iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan.


Ugu horeyn Waxa Munasibada ka hadlay Maareeyaha Wakaladda Biyaha Burco Ibraahin Yusuf Diiriye JIRDE, waxanu sharaxaad ka bixiyey Waxqabadkoodii 2013 iyo 4ta Bilood ee Sannadkan 2014 wixii ay Wakaaladu qalab soo iibsatay iyo wixii uhirgay waxanu yidhi "Sannadkan Markaan ka bilaabo iminka waxan soo iibsanay, beebkan aad arkaysaan oo 9 km ah, oo ka bilaabka 8 illaa 1 inta u dhaxaysa iminkuu dhulka gelayey, Waxa kaloo ka mid ah Mushiin 150 kwa, oo isaguna ceelasha halka mishiin yaal lagu xoojinayo, waxa ka mid ah alaabtaas aad arkaysaan waana laba ceel, oo hay’adda TS la yidhaa dhisayso qalabkeedi ah, waxa kamid ah Gaadhi DYNA ah oo ay wakaladu ledahay oo dekedda yaala, Gaadhi lancruiser ah ah oo iminka halkaahortiina yaala, Spare part kii Mishiinada waaweynaa ee hore, waxqabadkayaga waxa kaloo ka mid ah Xulka kubadda cagta ee Wakaaladda, oo aanu aad u maalgelinay oo koox la isku hallayn karo ah, oo aanu aad u maalgelinay, waxana ugu danbeeyey inaanu 4taa bilood bixinay xuquuq shaqaale” ayu yidhi maareeyuhu.


Wuxu kaloo intaas ku daray inu sannadkii hore 2013 waxqabadkiisa ka mid ahaa wiish iyo gaadiid cusub, iyo qalab la isugu xidhayo ceelasha, oo afartii ceel ama shantii ceel ba mashiin qudha inu ka dhexeeyo u fududaynaya, Deyntii Taagnayd ee 980,000,000 milyan ahayd ee ay la wareegeen in manta ay ka hadhay 49,000,000 Milyan, iyo weliba in xuquuqda shaqaalaha sannadkii 2013 ay bixiyeen 193,00,000Milyan, isla markaasna ay shaqaalaha xuquuqdooda had iyo jeer xooga saaraan inay bixiyaan.

Mareyuhu wuxu xusay in kaydkii Biyaha 4 Goobood oo cusub oo kale laga samaynayo, isla markaasna 4 ceel oo kalena lagu soo xidhi doono Biyaha Magaalada 2da bilood ee fooda inagu soo hayya, qorshahoodana la diyaariyey sannadkii hore, wuxu kalo sheegay in Biyaha Wakaalada laga cabbo, Cisbitaalka Guud, Jeelka weyn, xarumaha Booliska iyo Goobo kale oo muhiim u ah Bulshada isla markaasna an wax lacag ah laga siin, wuxu gaar ugu mahadnaqay Wasaradda Waxbarashada oo ku tilmaamay Wasaaradda keliya ee sida ugu wacan u Bixisa lacagta Biyaha iyo Guud ahaanba Bulshada reer Togdheer oo uu xusay in lacagta ay bixiyaan ay u fudaydisay inay horumarka intaas leeg ku tallaabsato wakaaladdu kuna amaanan yihin.


Munasibadda waxalagu soo bandhigay Masraxiyad kooban oo ka hadlaysay Horumarka Wakaaladda Biyaha, intaas kadibna waxa munasibadda Hadalo DHiirigelin, Bogaadin iyo Dardaaran ba isugu jira ka jeediyey Masuliyiinta Baanka Burco, Oday Suudaani oo ka mid ah Mulkiilayaasha Wershadaha Biyaha, Masuliyinta ka socotay Hay’adda Caalamiga ah ee TS oo wada shaqayn la leh wakaaladda Biyaha Burco, Xubno ka mid ah Guddiga Horumarinta Biyaha Burco, Oday Axmed Nur Shire iyo Muse Madoobe ooka mid ah Waxgaradka Gobolka, Dhammaantood waxay isku raaceen in Wakaaladda Biyaha Burco horumar Baaxad leh ku tallaabsatay isla markaasna ay Bulshaduna si fiican ula shaqaysay oo lacagta ay bixiyaan la’aanteed aanu horumarkani imaadeen, Waxay sido kale si gaar ah u bogaadiyey Maamulka Wakaaladda Biyaha Burco oo ay ku tilmaameen kuwo Bisil oo hawlkar ah isla markaasna muddadii ay joogeen heer gaadhsiiyey Biyo gelinta Gobolka Togdheer, waxayna xuseen in Guulaha ay gaadheen ku bogaadinayaan Masuliyiinta Wakaaladda Biyaha Burco.


Maayar kuxigenka Degmad Burco Muxumed Xasan Xoday, iyo Badhasabkuxigenka Gobolka Togdheer Mr Ubaxle ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in Taageero Buuxda ay la garab taagan yihiin Wakaaladda Biyaha Burco, waxayna xuseen in meelaha magaalada ka baxsana qorshaha lagu daro oo la gaadhsiiyo Biyo ku filan sida IDP yada ama kaamamka Barakacayaasha, waxay si gaar ah u xuseen in cid waliba maamuus iyo sharaf iyo ammaan ku mudanayso wixi ay u qabato Gobolka ama degmada ay masuulkak a yihiin.


Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL Xusen Axmed Cabdilaahi oo munasibadda soo xidhay ayaa isna xusay in sharaf weyn ay u tahay in Dadweynihii reer Burco iyo Wakaaladdii Biyaha oo si fiican u wada shaqaynaya uu saaka la kulmo, isago ku booriyey inay sii wadaaan dedaalka , wada shaqaynta iyo horumarinta Biyaha ee ay wada jirka u wadaan Wakaaladda Biyaha Burco iyo Shacabka Magaaladu, wuxu Talo ahaan wasiirku u soo jeediyey Bulshada reer Burco inay Biyaha Roobka ka faaidaystaan oo Xaaafadaha magaalada lagu wada xidho Majaroorka keena Biyaha Roobka ee Laamiyada iyo Guryaha Hortooda iska qulqulaya wakhtiyada Roobka, wuxu wasiirku qirey in Masuliyiinta Wakaaladda Biyaha Burco Qabteen Waxqabad lagu faani karo, laguna ammaani karo, isago ku ammaanay inay muujiyeen dedaal iyo waxqabad dhab ah.

Intaas kadiba Waxa shahaado sharafyo la guddoonsiiyey Qaybo ka mid ah Laamaha Dawladda kuwooda sida joogtada ah u bixiya lacagta biyaha sida Wasaradda Waxbarashada iyo Wasaradda Diinta iyo awqaafta,Dawladda Hoose Burco, qaar ka mid ah Ganacsatada, madaxdhaqameedka iyo Shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee Doorka weyn ka qaatay Horumarinta Biyaha Burco.


Wasiirka ayaa Gebogabadii Dhagax Dhigay Xafiisyo Cusub oo Wakaaladda Biyaha laga hirgelin Doono.


WAKAALADA BIYAHA BURCO ayaa sidoo kale qoraal ay ku soo bandhigtay Waraaqo Xayaysiis ah oo lagu qaybinayey Munasibadda Dhexdeeda ku soo Koobtay Waxqabadka Maamulka Hadda Gacanta ku hayaa Ka Fuliyeen 3dii Sanno ee u danbeeyey Sida ka Muuqata Sawirada Hoose.







Mustafe Osman (Mustafe Teacher)

Afkashacabka.com Burco  /Office
Contact@afkashacabka.com

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN OO KU SAABSAN MUNASIBADDA