Xukuumadda Somaliland oo Markii u horeysay ka qayb gashay shir ka dhacay Sychelis

0
Wednesday April 09, 2014 - 16:08:42 in by Super Admin
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Markii u horeysay ka qayb gashay shir ka dhacay Sychelis

    "Waxaan ka Soo Noqday Safar shaqo oo aan ku tagay Waddanka Sychelis oo lagu qabanayey Shir ku saabsan ka faa'ideysiga Khayraadka Badda iyo Ammaanka"Agaasime Ilkacase

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan ka Soo Noqday Safar shaqo oo aan ku tagay Waddanka Sychelis oo lagu qabanayey Shir ku saabsan ka faa'ideysiga Khayraadka Badda iyo Ammaanka"Agaasime Ilkacase Agaasimaha Guud ee Wasarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda ee Somaliland Md.Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa faah faahin ka bixiyey Shir caalami ah oo ka dhacay waddanka Sychelis oo lagaga Hadlayey Khayraadka Badaha iyo Amaanka oo uu ka qaybgalay.

Sidaasi waxa ka sheegay mar uu maanta dalka Dib ugu soo noqday isaga oo warbaahinta ugu waramayey Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Agaasimaha Guud Kaluumaysiga Maxamed Cilmi (Ilkacase) oo faahfahin ka bixinaya Shirka uu ka qaybgalay iyo Arrimihii kale ee uu halkaasi ku soo arkay ayaa waxa uu yidhi. ”Waxaan ka Soo Noqday Safar shaqo oo aan ku tagay Waddanka Sychelis oo lagu qabanayey Shir ku saabsan ka faa’ideysiga Khayraadka Badda iyo Ammaanka, waxaanu booqanay Wasarada kaluumaysiga ee Sychelis anaga oo eegaynay sida ay u shaqeeyaan, sida ay Kaluunka u baadhan, iyo noocyada Kaluunka iyo dhaqaalaha ka soo gala, waxa kale oo aanu tagnay Komishan ay ku midoobeen Waddamada badweynta Hindiya Barri kaxiga ee soo saara Kalluunka Tuma la yidhado ee caalamka ugu qaalisan, waxaanuna ka soo faa’ideysan waayo aragnimadooda Iyo aqoontooda Komishankaasi ku saabsan.”Ayuu yidhi.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com