Railla Odinga oo eedeeyay qaabkii ay Dawladda Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed

0
Thursday April 10, 2014 - 10:55:23 in by Super Admin
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Railla Odinga oo eedeeyay qaabkii ay Dawladda Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed

    Raysal Wasaarihii Hore Ee Kenya Rail Odinga Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Qaabka Fooshaxun Ee Ciidamadda Dalkaasi Ula Dhaqmeen Dadka Soomaalida Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii Hore Ee Kenya Rail Odinga Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Qaabka Fooshaxun Ee Ciidamadda Dalkaasi Ula Dhaqmeen Dadka Soomaalida Ah.



Raysal Wasaarihii hore ee Kenya Rail Odinga ayaa eedeeyay qaabkii ay Dawladda Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed hawlgalada ay kula dagaalamayso argagaxisada ee magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Mr Odinga oo la wareystay isagoo jooga Boston,Massachusetts ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in ciidamadda dawladdu ay ka dhigteen yoolkooda koobaad Soomaalida markii ay baadhitaanka ku sameynayeen dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin argagaxisada deegaanka Eastleight.

 

"Qaladku ma ahan oo kaliya qaabka ay dawladu uga raadisay dadka lagu tuhunsan yahay argagaxisanimada balse waxa ka daran waxa taasi ka dhalan kara mustaqabalka. Ma haboona in ciidamadda loo fasaxo in ay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya loo nisbeeyo in ay argagaxisda iyaga kaliya ay yihiin,”ayuu yidhi.

Mr. Odinga wuxuu sheegay in ay iska cadahay in dad ka soo kala jeeda qomiyado kala duwan oo aan ahayn Soomaali kaliya ay sameeyeen falal aragagaxiso ah. Raysal wasaarihii hore ee Kenya oo sii hadlaaya ayaa sheegay in hore loo arkay dad ka soo qowmiyado kale oo aan ahayn Soomaali oo falal argagaxiso ka sameeyay dalka Kenya. "Waxaan aragnay dhalinyaro ka soo jeeda Luo, Luhya, Kikuyu iyo qaar kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso. ,”ayuu yidhi Odinga.

Odinga ayaa ugu baaqay dawladda Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyada Soomaalida oo kaliya lagu bartilmaameedsaday xasuuqna ka dhacay. Dad gaadhaya afar kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu qabqabtay hawlgalo ay dawladda Kenya ka bilowday dalkeeda.

 





Afkashacabka.com

Nairobi /Kenya /Office

Contact@afkashacabka.com