Hillary Clinton Oo Ka Fikiraysa Inay Ka Mid Noqoto Murashixiinta Dimuqradiga Ee 2016

0
Thursday April 10, 2014 - 11:03:33 in by Super Admin
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hillary Clinton Oo Ka Fikiraysa Inay Ka Mid Noqoto Murashixiinta Dimuqradiga Ee 2016

    Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton, ayaa sheegtay inay ka baaraan degayso inay ka mid noqoto murashixiinta xisbiga Dimuqraadiga u meteli doonta doorashada wadankaas ee sannadka 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton, ayaa sheegtay inay ka baaraan degayso inay ka mid noqoto murashixiinta xisbiga Dimuqraadiga u meteli doonta doorashada wadankaas ee sannadka 2016.


Hillary Clinton, oo ay dad badani aaminsanyihiin inay ku guulaysan doonto murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga haddii ay tartanka ka qayb gasho ayaa waxa la weydiiyay bal in qorshaheedu yahay inay isa soo sharaxdo, waxaanay tidhi, "Runtii waan ka fikirayaa arrintaas, waanan sii wadayaa inaan ka baaraan dego xoogay.” Sidaas ayay ka tidhi shir ka dhacay San Francisco, waxaanay intaas raacisay,, "go’aankayga waad arki doontaan oo waan ka fikirayaa waanan u tallo badsanayaa, waayo hadda noloshayda gaarka ah ayaan ku jiraa.” Sidaas ayay raacisay haweenaydani.

Hillary Clinton ayaa waxa tartankii hore kagagaguulaysay Madaxweyne Barak Obama oo uu tartan adagi ku dhex maray murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga Maraykanka, waxaanu markii dambe u magacaabay xoghayaha arrimaha dibadda, iyadoo xilkaas haysay shantii sannadood ee xilliga Barak Obama.

 

 

 

 

 






Contact@afkashacabka.com