GUDDOOMIYAHA BAANKA DHAXE EE SOMALILAND OO SOO DHAWAYAY ARDAYDA KA SOCOTAY JAAMACADDA BEDER

0
Monday April 14, 2014 - 15:46:34 in by salman abdi
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDDOOMIYAHA BAANKA DHAXE EE SOMALILAND OO SOO DHAWAYAY ARDAYDA KA SOCOTAY JAAMACADDA BEDER

    GAR,AAHAN FAKALKA DHAQAALAHA ISLAAMKA IYO BANGIYADA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GAR,AAHAN FAKALKA DHAQAALAHA ISLAAMKA IYO BANGIYADA

Arday Ka Socotay Jaamacadda Islaamiga ah Ee Beder Siiba FakalkaDhaqaalaha Islaamka Iyo Bangiyada ayaa maanta Kulan la yeeshay guddoomiyaha baanka dhexe iyo Maamulka Baanka.

Guddoomiyaha Baanka ayaa Ardayda Xog Waran Buuxa ka siiyey sida uu u shaqeeyo Baanku iyo sida ay ula tacalaan Marka uu dollarku Kaco.



Qaar ka tirsan ardayda ayaa guddoomiyaha su’aalo kala duwan ka waydiiyey sida uu u baanku u ilaaliyo Lacagta Shilinka Somaliland iyo sida ay u karin timeeyaan lacagta Foojariga ah.

Ardayda ayaa waxa ay kusoo wareegeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Baanku oo ay dhamaantoodba ka socotay hawl maal-meedka baanku,waxaana ay Ardaydu Mid Mid ula kulmeen Shaqaalaha Baanka oo ku dhexe jira hawla hooda shaqo.


Guddoomiyaha Baanka dhexe ee somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa ardayda U sharaxay Hawl Maal-Meedka Shaqo ee ka socda Baanka dhexe iyo sidii loo daryeeli lahaa lacagta shilinka somaliland waxaana uu yidhi”

"sida loo tix galinayo iyo sida loo habaynayo lacagteen waa runtaayoo lacagteenu meelo faro badan ayey ku dayacan tahay qaarba waxa ku qoro lacagta qaar ayaa guba markaas waa xil ina wada saara ka muwaadiniin ahaan in aynu lacagteena kaan taroolno waxaana weeye inta uu noolka lacagtaasi lagu keeno ilaahuunbaa og markaas lacagtaas meelahas lagu qubayo waa lacag inaga inaga baxaysa,waxaana weeyaan shanta kun ee somaliland shilin markaanu soo daabacayno kiishka kaliyina nagu joogo 70 Dollar markaas may istaahishaa ina lacagtaas am dhexda waxa lagaga qoro am lagubo,waxaana ay arinkaasi iila muuqataa waa lacag wadankeena iyo dalkeena lagu balan balinayo.


Guddoomiyaha baanka dhexe ee somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”Markaas waxaan rajaynayaa waxani waa lacag teeniiye in aynu ilaashano oo aynu dayaca ka ilaalino ayaa muhiim ah waxaana aanu go’aan sanay hadaanu nahay baanka dhexe ee somaliland inaanu talaabo ka qaadno cid aanu ku qabano iyaga oo sita lacagta koobiga ah am isagu yahay ka waxaas ku shaqaysta waxaana ka rajaynayaa shacabka reer somaliland in ay kasoo baxaan waajibaadka ka saran lacagtooda ilaaliyaan una daneeyaan lacagta uu wadankooda hooyo leeyahay kana door bidaan lacagaha qalaad eek a yimaada wadamada kale ee aynu jaarka nahay.

Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay Macalin Mahdi xasan Maxamuud ismaaciil oo isaguna u mahad celiyey guddoomiyaha Baanka dhexe ee somaliland iyo masuuliyiinta sida wanaagsan ugu soo dhawayse baanka dhexe waxaana uu yidhi”



"Waxaana halkan uga mahad naqayaa guddoomiyaha bangiga dhexe,guddoomiye ku xigeenka oo runtii si wanaagsan noogu soo dhaweeyey bookhashadan aanu maanta ugu nimi ardaydan oo ka socota Jaamacadda Beder ee caalamiga ah Ardaydani waa fasalka labaad oo ka kooban galas kaliya dhigtanaDhaqaalaha Islaamka Iyo Bangiyada Islaamkamarkaas maanta bookhashadani waxa ay ahayd sidii ay u heli lahayeen khibrada am bargtikal oo ahaa sida uu bangiga dhexe ee somaliland u shaqeeyo ugana faa’iidaysan lahayeen in ay bangiga wax ka bartaan runtii aad iyo aad Ayaan waliba mar labaad ugu mahad naqayaa maamulka bangiga uu ugu horeeyo guddoomiyaha baanku.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdi rashiid Maxamed Cabdi oo ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadda Beder ee fakalkaDhaqaalaha Islaamka Iyo Bangiyada Islaamkaoo isna dhankiisa faah-faahiyey waxyaabahii ay baanka dhexe iyo sida uu u shaqeeyo ka korodh sadeen waxaana uu yidhi”


"Halkan saaka waxaanu ku nimi bookhasho aanu waxa kaga korodh sanayno Baanka dhexe ee magaalada hargaysa dhamaan maamulka baankuna waxa ay noo soo dhaweyeen si wanaagsan,waliba aniga oo ku hadlaya afka jaamacada beder halkan waxaanu ka faa’iidnay waxa weeyaan runtii waxa aad iyo aad u wanaagsan wax yaabaha aanu anagu xooga saarno waxa ka mid ah Islaamik Siistam Baanka waxaana ugu muhiimsan sida uu baanku u shaqeeyo iyo qaybaha kala duwan ee uu baanku leeyahay waxaana halkaas nooga muuqata inuu baanku sida caalamka u shaqaynayo waxaana anigu waliba ku sii rajo waynahay inaan baanka dhexe u shaqo yimaado.



 

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Somaliland