Xildhibaan Mubaarik Badhi Oo Deeq Qalab Ciyareed ah Gudoonsiyay Dugsiga Maxmed Cali ee Magalada Burco+Sawiro

0
Monday April 14, 2014 - 15:59:09 in by salman abdi
  • Visits: 2245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mubaarik Badhi Oo Deeq Qalab Ciyareed ah Gudoonsiyay Dugsiga Maxmed Cali ee Magalada Burco+Sawiro

    Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa Maanta Qalab Sport Oo Tirro Badan ku Warejiyay Maamulka Dugsiga Maxamed Cali Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa Maanta Qalab Sport Oo Tirro Badan ku Warejiyay Maamulka Dugsiga Maxamed Cali Burco
Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa Maanta Qalab Sport Oo Tirro Badan ku Warejiyay Maamulka Dugsiga Maxamed Cali Burco.
 
Munaasibad Baladhan Oo Loo Sameyay Wareejinta Qalabkani Uu Xildhibanku Ugu Tallo-Galay Ardayda Dugsigaasi ayaa waxa Goob Joog ka ahaa Badhisab ku Xigenka Togdheer,Maayir ku Xigenka Degmada,Gudomiyaha Waxbarashada Togdheer,Xildhiban C/Rashiid Faarax iyo Ardayda Dugsigasi.
 
 
Ugu Horaynba Waxa Halkaasi ka Hadlay Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Deeqdani Dirayska Sportiga ah Ee Uu Ugu Deeqay Ardayda Dugsigaasi Maxamed Cali.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan " Runtii Maanta Waxaan Halkan Dirays Sport

Oo Tirro Badan ku Warejinayaa Dugsiga Maxamed Burco Oo ka Mid ah Dugsiyada Wawayn Ee Magalada Burco,Waxaan Ugu Tallo-Galay Dirayskani inay ku Ciyaraan Ardayda Ciyaartoyga Ee Dugsigaasi,Waxaanan Diraykani ka Keenay wadanka ingiriiska Oo Dhawaan Tagay" Ayuu Yidhi Xildhiban Mubaarig Yusuf Cilmi (Bidhi)
 
 
 
Xildhiban C/Rashiid Faarax Cali Oo ka Mid ah isna Xildhibanada Golaha Degaanka Burco ayaa isaguna soo Dhaweyay Deeqdani Uu Xildhiban Bidhi Gudonsinayo Ardayda Dugsigaasi Maxamed Cali.
 
 
Maayir ku Xigenka Degmada Burco Muxumed xasan Jaamac (Xoday) Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii
 
" Waxaan Xildhibanka Uga Mahad Celinayaa Deeqdani Oo Runtii ah Mid Faido Badan u Leh Ardayda Ciyaartoyga ah,Waxaanan Xildhibanka ku Bararujinayaa inuu Halkaasi ka sii Wado Dedaalka Uu Ugu Jiro Sidii Uu u Tayayn-Lahaa Ciyaartoyga Gobalka Togdheer,ka Dowlad Hoose ahaana Waxaanu Anagu Balan-Qadaynaa in Aanu Dugsiyada Magalada Burco ka Tagerno Wax Kasta Oo ay Nooga Baahdan" Ayuu Yidhi Muxumed Xoday
 
 
Gudomiyaha Wasaradda Waxbarashada Togdheer Proff: Cabdi Axmed Siciid Oo isaguna ka Mid ahaa Masuliyintii Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay in Xildhibanada Kale Ee Golaha Degaanka Burco iyagana Looga baahan Yahay inay ku Daydaan Xildhiban Bidhi Oo Kale.
 
 
Badhisab ku Xigenka Gobalka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) Oo Munaasibadaasi ka Hadlay ayaa waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
" Waxaan Maanta Halkan Mahad Naq Baladhan Uga Soo Jedinayaa Xildhiban Mubarig Bidhi Oo Runtii ka soo Dhex Muuqday Xildhibanada Burco,Maantana Waxaanu Dirays Sport ku Warejinaynaa Dugsiga Maxamed Cali Burco Oo Runtii ah Dugsi Tarikh Facwayn leh Kana Soo Baxeen Dad Muxtarim ah,Waxaan Halkan Baaq Uga Dirayaa Shacabka Reer Burco Oo Aan Leeyahay Reer Togdherow Markay Dorasho Timado Dadka isa Soo Sharaxa Reer Hebel Haku Doraninee Waxaydun ku Dorataan Maxaad Burco u Qabanaysaan" Ayuu Yidhi Badhisab ku Xigenka Togdheer.
 
 

 
Si Kastaba ha ahatee Maaha Markii Ugu Horaysay Ee Uu Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Uu Dirays Sport Oo Noocan Oo Kala ah Uu ku Warejiyo Qaar ka Tirsan Dugsiyada Magalada Burco.





Cabdirisaaq Koronto
Afkashacabka.com
Burco/Office