Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka Dareen Celiyey Soo Dhoweyn uu kala kulmay Degmada Cadaadlay

0
Tuesday April 15, 2014 - 08:22:32 in by Super Admin
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka Dareen Celiyey Soo Dhoweyn uu kala kulmay Degmada Cadaadlay

    Oo uu Socdaal Shaqo ku tagey isaga iyo wefti kale oo ka tirsan Xukuumadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oo uu Socdaal Shaqo ku tagey isaga iyo wefti kale oo ka tirsan Xukuumadda,

Sidaasna waxa uu Wasiirku kaga warbixiyey qoraal kooban oo uu ku baahiyay mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com, iyo Boggiisa Facebook waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:-

Marka xooga bulshada la mideeyo isla markaana lagu darro awooda dawlada ayey cid walba ku dhiiran doontaa in ay wax inala qabtaan "Waaba Hadii aan u baahanoā€¯

Waxay ahayd maanta kadib markaan safar ujeedadiisu tahay Xogogaal-nimo,xog raadis iyo indho-indhayn u tegnay Degmada Cadaadley,

Waxaan degmada ku tegnay wafti balaadhan oo ka koobaan Wasiirro, iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xaalada degmada ayaa u muuqatay mid Illaahay loogu mahad naqo, Jawiguna wuxuu ahaa mid maalmo kooban ka hor roob raxmad ah helay isla markaana dad iyo duunyo lagu diirsaday.

Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadley waxay nagu qaabileen dareen farxad iyo soo dhawayn leh, waxaanan si dhab ah uugu soo kuur galnay goobaha ay kamid yihiin, dugsigii hore ee Boarding-ka ahaa, beeraha, jidka iyo guud ahaanba xaalada degmada.

Wasiir walba wuxuu qalbiga iyo qalinkaba ku qaatay goobta kaga beegan dedaalka loogu jiro horumarinta dalka gaar ahaan degmada aan maanta joognay.

Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadley waxay cod dheer ku sheegeen in ay dedaalka dalka oo dhan ka socda ee iskaa wax u qabso ah ay dhankooda iyo dhinacooda qabanayaan isla markaana ay xoog, xeelad iyo xoolaba iskugu geyn doonaan horumarinta degmadooda iyo guud ahaan dalka.

Waxaa hubaal ah in aynu wax walba qabsan karno, cidna u caban mayno inaga oo ceelkeena qodan karnaa. 


Wa Bilaahi Tawfiiq.






Afkashacabka.com
Hargeysa/ Somaliland