Wasiirka Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Siidhka Beeraha Gaadhsiiyey Degaanka Cadaadlay.
Wasiirka oo ka mid ah ahaa wefti maanta deegaankaasi kormeer ku tegay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiiru Dawlaha Waxbarashada ayaa waxa ay wasiiradu deegaankaasi u tageen soo indho indhaynta baahida bulshada ee deegaankaasi oo ay ka mid yihiin u kuur galka galka goobaha dugsigii hore ee Boarding-ka ahaa, Beeraha, jidka iyo guud ahaanba xaalada degmada.
Faarax Cilmi Geedoole oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay wasaaradiisu ku dedaalayso sidii dalku u gaadhi lahaa isku filaansho dhinaca wax soo saarka ah.
Wasiirka ayaa waxa u ugu dambayn ku wareejiyey Dadweynha deegaanka Cadaadley Siidh ay wasaaradda Beeruhu ugu talo gashay wax soo saarka.
Sacad Muuse Cabdi
Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha
Afkashacabka.com
Hargeysa / Somaliland
Wasiirka Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Siidhka Beeraha Gaadhsiiyey Degaanka Cadaadlay.
Wasiirka Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Proff. Faarax Cilmi Geedoole ayaa siidhka Beeraha ku wareejiye Degaanka Cadaadlay.