Share with your friends via email

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah. Dagaalka oo leysu adeegsaday Hubka culus ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana la sheegay in mudada uu dagaalka socday ay ciidamada AMISOM hub culus ku garaacen xaafadaha. Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday Xarun ay ciidamada AMISOM ku lahaayen deegaankaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad laba saac oo xiriir ah, waxa ayna sidoo kale sheegen in khasaaraha ka dhashay uu ahaa mid aad u culus. Ciidamada AMISOM ayaa dagaalka kadib halkaasi ka sameeyay howlgal adag oo ay ku baadigoobayeen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday. Dhanka kale, waxaa hadda degan xaalada guud ee goobihii ay labada dhinac ku dagaalameen.

dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka baligubadle iyo hargeysa ayaa dhismahiisa dib loo bilaabay, waxaana maamulka gacanta ku hayaa ay fariin u direen dhamaanba dadka deegaankaasi iyo waliba cidii kale ee gacan ka gaysanaysa

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip