KULAN WACYIGALINEED BALAADHAN OO AY ISKA KAASHADEEN DAWLADA DUTCH,HAAYADA OXFOM IYO WALIBA HAAYADA WADANIGAA EE HAVOYOCO AYAA LAGU QABTAY TUULADA DHAGAX-DHEER OO KA MIDA DEEGAANADA GOBOLKA TOGDHEER + SAWIRO

0
Saturday April 19, 2014 - 18:14:22 in by Super Admin
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULAN WACYIGALINEED BALAADHAN OO AY ISKA KAASHADEEN DAWLADA DUTCH,HAAYADA OXFOM IYO WALIBA HAAYADA WADANIGAA EE HAVOYOCO AYAA LAGU QABTAY TUULADA DHAGAX-DHEER OO KA MIDA DEEGAANADA GOBOLKA TOGDHEER + SAWIRO

    Haayadada wadanigaa Ee Havoyoco Oo Ka Mida Haay'adaha Sida Firfircoon Uga Shaqeeya Baahiyaha Bulshada Kala Duwan Ayaa Waxa Ay Ku Soo Ban-dhigtay Tuulada Dhagax-dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haayadada wadanigaa Ee Havoyoco Oo Ka Mida Haay'adaha Sida Firfircoon Uga Shaqeeya Baahiyaha Bulshada Kala Duwan Ayaa Waxa Ay Ku Soo Ban-dhigtay Tuulada Dhagax-dheer


 Oo Ka Mida Deegaanada Hoos Yimaada Gobolkani Togdheer Barnaamij Wacyi-galineed Balaadhan Oo Ay Iska Kaashadeen Dowlada Dutchka,Oo Ay Soo Marisay Haayada Oxfom Waxaana Mashruucani Fulinaysay Haayada Wadanigaa Ee Havoyoco Wacyigalintaasi Oo Lagaga Hadlaayey Ilaalilanta Nabad-gelyada Deegaanka,Wax Wada qaybsiga Bulshada Ku Nool Deegaanka,Wada Qaybisaga Daaqa Eebe Soo Saaro Iyo Iska Dhowrida Aanada Oo Ka Mida Waxyaalaha Khatarta Ku Ah Nolosha Bulsho Isku Deegaan Ah.

 

 

 

 

Waxaana Si Hab-Masraxeed Ah Ay Kooxda U Qaabilsan Wacyi-Galinta Haayada Havoyoco Ee Circusta Ugu Soo Bandhigeen Kumanaan Ka Mida Dadweynaha Degan Deegaankaasi Dhagax-dheer Riwaayadaasi Waxaana Sidoo Kale Kala Qayb-Qaadanaayey Xubno Ka Mida Dadweynaha. Deegaankaasi Dhagax-dheer Ku Dhaqan.

Waxaana Ugu Horayntiiba Munaasibadaasi Barnaamijkaasi Wacyigalineed Furay Madaxa Wacyigalinta Gobolada Bariga Somaliland Ee Haayada Wadanigaa Ee HAVOYOCO Aden Daa,uud Ahmed Oo Ku Dheeraaday Ahmiyada Ay leedahay ka Faa,iidaysiga Wacyigalintani Ka hadlaysa baahiyaha bulshada oo ku salaysan noloshooda iyo sidii ay U Horumarin Lahayeen Waxaana Isagoo Koob Fagaare Ah Kala Hadlaaya Dadaweyanaasi Uu Yidhi.

 

 

"nabadu inaga ayaa ku nool ee iyadu naguma noola wana muhiim markasta iyo wayeel iyo dhalin yaro, wax garad,culumawudiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwanba laga wada shaqeyo adkeynta nabada iyo horumarka degaanka sanadkii ugu danbeyay waxaa anu ka shaqeyneynay  ka hadalka nabada iyo sidii loo adkeyn lahaa nabada iyo daris wanaga bulshada somaliland iyo itoobiya oo ilahay ku wada beeray deganada ku teedsan xududka hadaba waxaad ogsoontihiin in ujeedada mashruucan ee ay iska soo kashadeen dowlda Dutch ka iyo fulintiisa oo ay lahayd hayada Havoyoco, ujeedada laga leyahay mashruucan oo ah in bulshada xuduuda wada dagan ee somaliland iyo itoobiya in ay wadagaan qayraadka ilahay ku maneystay labada dalba oo inta badan xoolah iyo dadkuba isku talabaan xiliyada roobabku ka curtaan deganada jarka ah,oo inta badan sida aad ogsoontihiin hogasha roobka ee ilahay inoo shubo oo inta badan wada gadhin deeganada oo dhan balse marba meel ka curato sidaa daradeed waxaa loo bahan yahay in la wada wadaago oo la soo dhaweyo dadka martida ah ee idinku soo doola wana ujeedada dhabta ah ee mashruucan laga leyahay. waxaa loo bahan yahay in bulshadu ka korto qabyalada iyo iskooxeysiga yar ee aan macno badan ugu fadhiyin bulshada oo inta badan dad gaar ah ay isticmalan oo ujeedo ka leh in ay danahooda gaarka ah meel marsadan,wana in aad iska fahantaa dadka noocas oo kale oo inta badan musanawga idinkula soo dhaco, guntii iyo gabogabadii waxaan idiin leyahay ilahay ha lago baqo oo dadka walalah ah yaan colaad iyo kala irdheyn laga dhax abuurin aadna waad u mahadsantihiin dhamantiin”

 

 

 

 

 

Geesta Kalana Waxa Intii Ay Munaasibadaasi Socotay Ka Hadlay Mid Ka Mida Odayaasha Deegaankaasi Dhagax-dheer Oo Sheegay In Ay Ka Bulsho Ahaan Ay Ka Faa,iidaysan Doonaan Waxyaalahan Loo Soo Bandhigay sidoodana U Qaadan Doonaan Waxaana Hadalkiisii Ka Mid Ahaa.

 

 

"Way Salaaman Tahay Haayada Sharafta Leh Ee HAVOYOCO Waanu Qaadanay Wacyigalintan Aad Noo soo bandhigteen waana mid na dhex taalay ka bulshada deegaankani ahaan oo aanu anaku iskuba haynay waxaanan Moodaaba inaad anaka aad naga turjumaysaanba lakin waa ilahay mahadii hadii aanu idinka baranay halka ay sal iyo raad dhigayso arintaasi waanan qaadayan wasalaamu calaykum”

 

Isku Soo Wada Xooriyoo Haayada Wadanigaa Ee Havoyoco Ayaa Marwalba Ka Shaqeysa Wacyigalinta Bulshooyinka Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Deegaanada Dalka Somaliland Iyadoona Ay Haayadani Hore Uga Soo Fulisay Mashruucani Deegaano Kale Oo Dalka Ka Mida.

 

Khalid Bakayle 

Burco SOmliland