Gabadhi Godka Lagu Dilay oo Gurigii Lagu Dilay Aragtiidiisi Lacag Noqotay !!!

0
Tuesday March 11, 2014 - 04:03:29 in by Holland Office
  • Visits: 12177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Gabadhi Godka Lagu Dilay oo Gurigii Lagu Dilay Aragtiidiisi Lacag Noqotay !!!

    “Waan Iskaga Soo Noqonay Markii Nalagu Yidhi Hal Dollar Ayaa Lagaa Qaadayaa Hadaad Doonayso Inaad Eegto Guriga” iyo Godka... Sidaa Waxa Yidhi Mid ka mida ah dadkii lacagta la waydiyaay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Waan Iskaga Soo Noqonay Markii Nalagu Yidhi Hal Dollar Ayaa Lagaa Qaadayaa Hadaad Doonayso Inaad Eegto Guriga” iyo Godka... Sidaa Waxa Yidhi Mid ka mida ah dadkii lacagta la waydiyaay



Haragaysa(Afka Shacabka )Guriga Uu Ka Dhacay Dilkii Foosha Xumaa Ee Todobaadkii Hore Lagu Khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Oo Ku Yaal Dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa, Ayaa waxaa Lacag Lagu Soo Roggay Dadka Doonaya In Ay Arkaan Guriga Uu Ka Dhacay Falkaas Oo Si Weyn Uga Yaabiyay Bulshada Somaliland, Isla Markaana Noqday Sheekada Ugu Hadal-Haynta Badan Labadii Toddobaad Ee U Danbeeyay.

Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Dadweynaha Uu Layaabka Ku Noqday Dilkaa Foosha-Xun, Ayaa Tan Iyo Markii Toddobaadkii Hore Laga Helay Maydka Marxuumadda Guriga Ay Deganaayeen Qoyska Loo Haysto Shirqoolka Lagu Khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, Waxay Doonayeen In Ay Indhohooda Kusoo Arkaan Gurigaas

Balse  Masuuliyiiin Ka tirsan dawlada somaliland iyo Police  Oo Ku Sugan Guriga, Ayaa Bilaabay In Ay Lacag $ 1 Doollar Ah Kusoo Rogaan Qofka Doonaya In Uu Indhihiisa Kusoo Arko Guriga Oo Uu Ku Yaalo Godka Laga Soo Saaray Maydka Marxuumada 

 

Hadaba Dad Kala Duwan Oo Ku Sugan Xaafadaha U Dhow Gurigaa Iyo Kuwo Doonayay In Ay Booqdaan Ayaa U Qofka Doonaya In Uu Galo Gurigaa Laga Doonayo Qadar Lacageed Oo ah Hal (1)Dollar

"Waan Iskaga Soo Noqonay Markii Nalagu Yidhi Hal Dollar Ayaa Lagaa Qaadayaa Hadaad Doonayso Inaad Eegto Guriga” Sidaa Waxa Yidhi Mid Ka Mid Ah Dadkii Doonayay In Ay Soo Eegaan Gurigaa Oo Ku Yaal Dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa.

 

Qaar Ka Mid Ah Dadka Doonaya In Ay Soo Arkaan Gurigaas Waxa Dhegehooda Ka Batay Warar Laysla Dhexmaryo Labadii Todobaad Ee U Danbeeyay Markii Ay Soo Baxday Dhacdadan Oo Si Weyn Uga Yaabisay Bulshada Somaliland, Isla Markaana Ku Abuurtay Murigo Iyo Naxdin


Afka Shacabka

Hargeisa Office