Habluhu maxay Ragga Ku Raacaan?Jawaabta Hoos Ka Akhri

0
Wednesday February 19, 2014 - 18:02:33 in by London Office
  • Visits: 28053
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Habluhu maxay Ragga Ku Raacaan?Jawaabta Hoos Ka Akhri

    Gabadh kasta waxay xaq u leedahay inay doorato ninka ay doonto.Waana shay cadaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin. Gabdhuhu ama habluhu waxay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga da'da. Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh kasta waxay xaq u leedahay inay doorato ninka ay doonto.Waana shay cadaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin. Gabdhuhu ama habluhu waxay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga da'da. Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka, habluhu intooda badan raggu waa isugu mid. Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu.

Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo. Si ayna ugu dhicin booraan. Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxay figrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd.Gabadhu waa inay ka feejignaataa khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo – ma hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa. Waa inay iska shaandhayso, balanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya inay fushadaan ujeedooyin qarsoon.Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudfud loo duufsan Karin.

Bal aan soo qaadano qaar ka mid ah hadalada macaan ee soo jiita dumarka.

= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa. = muxu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.

= ma qof la iloobi karo ayaad tahay.

=mar kasta xusuustayda kama baxdid

= waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.

Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna waxay gabadhii ku beermaya jacayl xaddhaaf ah.

 

Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.

1) Lacag

2) Aqoon

3) Qurux

4) Aftahnimo

5) Madaxnimo

6) Dabeecad wanaagsan Calaamadaha dumarka wax jecel.

= waxaynu soo qaadan doonaa calaamadaha ugu caansan.

= waxay la soo baxaysaa xishood aad u badan = waxay jeceshahay inay mar kasta kul joogto

= waxaad ku arkaysaa shaki badanm oo ay kaaga shakiyayso inay gabadh kale kaa qaado. Laakiin shakigaasi maaha kii xumaanta ahaa, ee waa jacyl xadkiisii dhaafay.

= is qurxin xad dhaaf ah, oo ay ninka ku soo jiidanayso.

= waxay ku halmaantaa magaciisa, markay sheekaynayso.

= waxay la soo baxaysaa inay markasta garaacdo tilifoonkaaga,si ay u maqasho hadalkaaga,

 

Maxay dumarku qiimeeyaan.

1) Jacylka.

2) Quruxda.

3) Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).

4) Xafladaha.

5) Labiska ( dhar xidhashada).

 

Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.

= gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.

= gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan tixgalin hadalkiisa.

= gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo ku gacansaydha.

= gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.

= gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan gurigeed ku filan. Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.

= in la amaano.

=in loo keeno hadyado kala duwan.

= in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.

= in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.

= in la caawiyo markay hawl hayso.

= in laga ilaaliyo hadalada qallafsan.

= in loo muujiyo ixtiraam badan.

= in loo garaabo sax ama khalad

=in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)

 

Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay.

= gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.

=gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana qurxisa.

=gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.

=gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.

=gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.

Afka Shacabka , Holland