Aragsan Maanso Cusub oo jacayl ah Waxa Curiyey Abwan Cali Dhanaaniye

0
Monday November 09, 2015 - 17:22:14 in by salman abdi
  • Visits: 54803
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 12 3
  • Share via Social Media

    Aragsan Maanso Cusub oo jacayl ah Waxa Curiyey Abwan Cali Dhanaaniye

    Allaylehe sidaan qabo Af-gobaadsan maayee Adigu aad u mudan tahay?!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaylehe sidaan qabo Af-gobaadsan maayee Adigu aad u mudan tahay?!

Aragsan

Maanso Cusub oo jacayl ah

W/C: Abwaan Cali Dhanaaniye

 

Dadku siduu ilayskiyo

Aragga iyo maqalkiyo

Taqajaranka oonkaa

Biyaha aayar reebiyo

Neecawada la ursado

Uga maarmi karinee

Ugu baahan yahaybaan

Aniguna nabiihaay

Araggaaga quruxda leh

Ugu oomanahayoon

Ku il doogsadaayoo

Ku ilaawi maayee

Weligaa ogsoonoow.

 

Inaan kuu han weynahay

Iftiinkii naftaydiyo

Aayatiinkii noloshaay

Ma og tahay ilaawaadeey

Inaan kuu il-daranoo

Sida ubadkii aan dhalay

Adi kuu werwero oon

Inan yahay ku daydayo?!

 

Ma og tahay asluubtiyo?

Dhaqankiyo akhluuqdiyo

Iimaanka sharafkiyo

Aqoonta iyo garashada

Inaan laga sinaynoo

Rabbigeen addoomaha

Qofkastaba in siiyoo

Aadmiga dhammaantii

Allaylehe sidaan qabo

Af-gobaadsan maayee

Adigu aad u mudan tahay?!

 

Ma og tahay inaad tahay

Keligeed adduunyada

Taan ka eeganaayeen

Ereygeeda ku xasilo?!

Adigaa xaqiiqdii

Iimaanka deeqoo

Adigaa xaqiiqdii

Unugyada jidhkaygiyo

Uurkayga deggayoo

Adigaa xaqiiqdii

Farxad igu abuuroo

Adigaan xaqiiqdii

Ehel kuu maleeyoo

Amintaan ku waayaba

Adigaa xaqiiqdii

Xiisaha I badayoo

Adigaanan deeqaay

Kaa oolli karinoo

Weligay amaantaa

Ka adkaysan waayoo

Afkaa iga xaddaayee

Adigaan ugaasooy

Dadka kaa ishaartoo

Naftu ku ogollaatee

Waa ayaamo duniduye

Ii hagar bax adiguna

Dhugo oo u fiirsoo

Aamin weedhahaygoo

Allaa faxane maaree

Arrimaha jacaylkoo

Aynu samo ku waarnoo

Farxad ku istareexnee

Ila qabo xaggaagoo

Xejiyoo adkeeyoo

Ka ilaali xagal daac

Ila dhawr ayaamaha

Noloshiyo adduunyada

Allaa faxane ila filo

Isu imashadeenniyo

Dhowaan aqal galkeennana

Dhammaad.

 

Abwaan Cali Maxamed Ibraahin {Cali Dhanaaniye}

Dhanaaniye1@gmail.com