Shirweynihii Kulmiye oo furmay, Beeshii Madaxweyne kuxigenka oo an foodda soo gelin shirka, iyo Siyaasin ka tanasulay Hankoodi

0
Monday April 28, 2014 - 15:11:15 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii Kulmiye oo furmay, Beeshii Madaxweyne kuxigenka oo an foodda soo gelin shirka, iyo Siyaasin ka tanasulay Hankoodi

    hirweynihii 3 aad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE ayaa saaka si rasmiya uga furmay hoolka weyn ee Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hirweynihii 3 aad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE ayaa saaka si rasmiya uga furmay hoolka weyn ee Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirweynahan oo sida la sheegay socon doona muddo 2 malmood ah, ayaa saaka lagu doortay shirguddoonkii shirka oo loo doortay Todoba Xubnood oo Golaha fulinta ee xisbiga ka mid ah oo ay guddomiye iyo ku xigeen u kala ahaayeen Wasiirka Gashandhiga Axmed Xaji Cali Cadami iyo Wasiirka Ganacsiga Maxmed cabdilahi cumar.



Shirguddoonkan oo la wareegay hagista shirweynaha ayaa madasha ka sheegay in shirka manta loogu talo galay in masuliyinta xisbiga iyo madaxweynuhu khudbado ka jeediyaan, sidoo kalena ay go’aankooda ka caddeeyaan Siyaasintii hanka lahayd ee utartamaysay Guddomiyaha iyo kuxigeenka 1aad ee xisbiga, Xasan Gaafaadhi ayaa isagu ugu horeyna si cad halkaas ugaga dhawaaqay inaanu la tartamaynin sxbkii muj Maxmed kaahin , isagoo xusay in u jeedadiisu ahayd inu horseedo siyaasin badan oo hanqalka la soo kacdo, balse markii ay ku keliyaysatay ee uu waayey cid kale oo soo raacda ama maxmed kahin kula tartamaysa jagadaas uu isaguna u tanaasulay sxbkii.


Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha 3aad ee xisbiga kulmiye ayaa isna halkaas kaga sheekeyey sida xisbigu u yahay dimuqraadi, hawlihii u qabsoomaya guddiga iyo weliba caqabado ay la kulmeen balse markii danbe la xalliyey, isla markaasna ay ilaahay uga mahadceliyeen inu manta soo gaadhsiiyey halkii ay hawsha la rabeen inay soo gaadho shirweynihiina sidaa ku qabteen.


Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Maxmed Uurcade iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID C/naasir yusuf oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa xisbiga kulmiye u rajeeyey guul , sheegayna in waxyaabaha axsaabta loo sameyey ay tahay dan qaran iyo qaranka la wada ilaashado, oo kolba cid hogaanka loo dhibo cidda kalena ku ilaaliso oo dhaliishooda soo bandhigto, waxay xuseen inaan xisbiyada loo arag wax aan qaranka dan u ahayn, oo khalkhal abuuraysa ama an dalka lexejeclo ka la hayn mar walba xisbiyada mucaaradka ah ayaa xukumadda hadba talada haysa uga lexe jeclo badan waddanka

Guddomiyaha iyo kuxigeenka Shirguddoonka saaka loo doortay dhaqaajinta shirka Axmed xaji cali cadami, iyo Maxmed cabdilahi cumar oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga kulmiye caan ku yahay isu tanaasulka, iskaashiga iyo gacmo is qabsiga, isla markaasna bogaadiyey siyaasintii uga taanaasulay labada mujaahid tartankii ay la geli lahayeen kuwaso kala ahaa Xasan Gaafadhi iyo Cabdicasis samaale, waxay sidoo kale so bandhigeen qorshayaasha shirweynaha, iyago sidoo kalena guud maray warbixin koobana ka bixiyey muddo ku dhow 4 sano oo xukuumadda xisbiga kulmiye jirtay wixi u qabsoomay iyo guulaha xisbiga iyo qarankuba gaadhay.


Intaas Kadib Waxa munasibadda hadalo dhirigelin, mahadnaq iyo bogaadinba isugu jiray Shirweynaha qaybtiisa hore ee furitaanka ku soo afmeeray Guddomiyaha Xisbiga kulmiye Muse Bixi Cabdi iyo Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo, waxayna sheegeen inay guul u tahay qaran ahaan iyo xisbi ahaanba in manta shirweynihii furmo oo lagu doorto berri Golayaashii iyo hogaankii xisbiga, waxay sidoo kale ka warrameen marxaladihii qarankani soo maray, halgankii hubaysnaa iyo horumarka la taaban karo ee xukuumaddani ka fulisay dalka, waxanay somaliya uga digeen inay shacabka Somaliland colaad ka samaysato, waxayna ugu baaqeen in jaarnimo , niyad wanaag iyo nabadgelyo ku wada noolaadaan, isago madaxweynuhu si gaar ah u sheegay in haddii Somaliland la isku dayo in weerar lagu soo qaado ama falal amniga wax u dhimaya loo soo maleego ay haysato cudud iyo ciidan hawlahaas ka adag oo ay is difaaci doonaan cidii waxaas bilowdaana aanay u aayi doonin, wuxu sido kale si gaar ah u sheegay in miisaniyadda qaranka ay gaadhsiiyeen heerkii ugu sarraysay ee abide e dhaqaalaha dalku gaadho isla markaasna 50% ay amniga ku bixiyaan.


Gebogadii shirweynaha qaybtiisi hore ee furitanka ayaa ku soo dhammaaday khudbadahaasi, waxana loo ballamay in berri la doorto golayasha iyo hogaanka xisbiga, waxana xusid mudan in beesha madaxweyne kuxigeenku aanay gebi ahaanba shirka soo fadhiisan, halka madaxweyne kuxigeenka oo laftiisu ka cadhaysnaa dalab ah in shirka dib loogu dhigo maalin ama 2 oo laga diiday shirka lagu soo geliyey ladqabo iyo sasab ay gadhwadeen ka ahaayeenmasuliyiin xukuumadda ka tirsani, waxana markii danbe si aamusnaan ah madaxweyne kuxigenku u dhex fadhiyey shirka, halka beeshiisu aanay hoolka ba foodda soo gelin, iyadoo dhammaanta ergooyinka shirka lagu soo xulay Beelo, isla markaasna waxa keliya ee manta dadku aad isu weydiinayeen ahayd reeraha loo kala fadhiyo shirka,iyadoo wasiirka, xildhibanka, suldanka , siyaasiga, shekha iyo dhalinyarada intii isku beel ah ba lagu arkayey iyagoo goob gaar ah ka fadhiya shirka, lana waayey dad isku dhex jira oo is dhex fadhiya.























Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com