War Deg-dega:- 700 00 Qof Oo Taageerayaasha Ikhwaanka Ah Oo Xukun Dil Ah Lagu Xukumay.

0
Monday April 28, 2014 - 22:17:13 in by salman abdi
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-dega:- 700 00 Qof Oo Taageerayaasha Ikhwaanka Ah Oo Xukun Dil Ah Lagu Xukumay.

    Dad Gaadhaya 700 Oo Ruux Oo Ah Taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin Ee Masar Ayay Maxkamad Dil Ku Xukuntay, Waxaana Dadkaas Ka Mid Ah Hoggaamiyaha Ururkaas Maxamad Badiic.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Gaadhaya 700 Oo Ruux Oo Ah Taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin Ee Masar Ayay Maxkamad Dil Ku Xukuntay, Waxaana Dadkaas Ka Mid Ah Hoggaamiyaha Ururkaas Maxamad Badiic.


Eedaysanayaasha Ayaa Bishii La Soo Dhaafay Ay Maxkamadi Ku Xukuntay Dil, Waxaana Loo Haystaa In Ay Dileen Askari Boolis Ah Intii Ay Socdeen Rabshadaha Bishii August. Xukunkaasi Ayaa Kiciyay Dhaleecayn Ballaadhan Oo Caalami Ah.

Xukunka Dilka Ah Ayey Maxkamadu Shaacisay Bishii Maarij Ee La Soo Dhaafay, Kaddib Markii Ay Dhageysiga Dacwada Socotay Mudo Saacad Ah.

Qareenadii Difaacayay Eedaysanayaasha Ayaa Loo Diiday In Ay Maxkamadda Soo Galaan, Sidoo Kalena Looma Sheegin Eedaysanayaasha Eedaha Loo Haystay.

Kiiska Ayaa Loo Gudbiyay Muftiga Ugu Sarreeya Ee Masar – Oo Ah Mid Ka Mid Ah Madaxda Diinta Ee Dalkaasi – Balse Argatidiisa Ku Aadan Go’aanka Maxkamadda Ayaanan Aheyn Mid Wax Baddeli Karta.



AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM