BEEDKA YAXAASKA IYO AXMED JIINIYAS: QAYBTII 18-AAD. QALLINKA: MUSTAFE SH. CUMAR GEEDDI

0
Tuesday April 29, 2014 - 11:47:21 in by salman abdi
  • Visits: 1928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BEEDKA YAXAASKA IYO AXMED JIINIYAS: QAYBTII 18-AAD. QALLINKA: MUSTAFE SH. CUMAR GEEDDI

    Waa taxane akhristayaasha u gudbinaya qaybo ka mid ah wax-soo saarkii mu’allif sodon-jir ku shihiiday oo ifka kaga tagay taariikh iyo murti aan xad-lahayn. Waa Mujaahid Axmed Muxumed Warsame (Geinus).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa taxane akhristayaasha u gudbinaya qaybo ka mid ah wax-soo saarkii mu’allif sodon-jir ku shihiiday oo ifka kaga tagay taariikh iyo murti aan xad-lahayn. Waa Mujaahid Axmed Muxumed Warsame (Geinus).
Waa taxane akhristayaasha u gudbinaya qaybo ka mid ah wax-soo saarkii mu’allif sodon-jir ku shihiiday oo ifka kaga tagay taariikh iyo murti aan xad-lahayn. Waa Mujaahid Axmed Muxumed Warsame (Geinus).
 
Muusigii iyo ciyaarihii qoob ka ciyaarka loogu talagalay oo socda ayey soo baxeen, Taxi buu soo saaray.
Markuu gurigoodii hortiisii keenayna, gooni intuu ula faqay ayuu ku yidhi, Maryaneey ka warran haddaad iska dhaafto yarkan ku wareeriyey ? Anna aan halkeedaa ku illaabo Weris.

 
Hogey rabtay ayuu ku soo dhacay ! Dabinkiina waa kaas suulasha

ku martay. Waxaase u dhiman inay u yar kaadiso si uu si fiican ugu soo gacan galo. Waa mukurka dumarka inay marka hore waxay jecel yihiin diiday yidhaahdaan. Waa dardaarankii Araweelo ayaa la yidhaa, inay ragga ku carigsadaan. Iyagu kay rabaan ma waayaan. Kii rabaana ma hello.
 
In kastooy hadalkiisii ku faraxday, haddana waxay iska dhigtay sidii qof ka xumaaday oo kale, waxayna tidhi :- miyaanad maqal qalbigu laba ruux ma wada qaado. Shimbiri laba geed ma wada gurato. Nin keli ihi laba faras ma wada fuulo, ama jaceyl biri ma goyso, biyana kaama meydhaan. Waxaan ku odhan lahaa Xasanow waa inaad jaceylkaaga daacad u noqoto. Anna keyga ii deyso. Waxoogaa is adkeysay , laakiin aakhirkii wey u calool dabacday. Illeyn waa gabadh jar la maaganeyde.Waa naag meel ay rabtay roob ku helaye.
 
In yar ka dib Xasan wuxuu arkay iyadoo bogga bogga u sartay, durbana wuxuu dareemay jidhkeedii diiranaa…... Bushimo aan jilow adag laheyn dhunkasho aan lagu talo gelin ayaa u bilaabantay. Hawshaasi oo dhami waxay aheyd mid Xasan ku cusub. Dhadhan macaan oo dareen xambarsan ayuu Xasan dareemay. Waxaa u socday waxay ka dhergi waayeen . Marmar intay isa sii daayaan ayay haddana gacmuhu isa soo doonanayeen, mar mar Maryan waxay tidhaadaa Aboowe ma waalan tahay sidee wax u jiraan. Xaafadda waa laga soo jeedaa, dadka agteena maraya ma arkeysid miyaa ? Isna wuxuu yidhaahdaa ukaadi ukaadi !! Sidaas baa xidhiidhkii Xasan iyo Maryan ku bilaabmay.
 
ARDEYGAAN DAADAALINI
MAR BUU DEBINTA RUUGAAYE
WAKHTIGUU DAYACAY BUU
HADHOW DIB U XASUUSTAAYE
 
Mar ay bil iyo dheeraad ay sheeko hallaasi ahi u socotay Maryan iyo Xasan ayaa fasaxiina soo gudo galay . Imtixaanaddiina u bilaabmeen. Maalmahaas ayuu Xasan welwelkiisu ugu badnaa, waayo wuxuu ka mid ahaa ardeyda sannadka u fadhiisaneysay Imtixaanada Shahaaddiga ah ee Dugsiga Sare, aad buuse uga calool weydsanaa mustaqbalkiisa. Afartii sanno ee ciyaar ciyaarta kaga lumayna maantay culeys ula ekaadeen.
Ninkii seexdaana sicii dibi dhalay. Intii qeyrkii wax baranayey, dadaalka ay ku jireen, isagu jaceyl iyo baddo aan loo diran buu dhex mushaaxayey. Waa su’aale bal maxay jaceylkii Weris , amase saaxiibtinimada Maryan ka tari karaan imtixaanadda? waraaq weliba waraaqda kale ka sii daran tahay, su’aashii timaadaana tii kale kaba sii adag tahay !!
 
Ilaahow ayaa meeshan mar uun ka taga Isagoo ay ka taagan tahay , ayay maalmihii imtixaannadu u dhamaadeen. Intaan jawab iyo natiijadii la soo saarin buu ka soo jaciirtay. Wax la sheego shandadiisii yareyd ee uu dharka ku sitay ayaa garabaha u sudhneyd, markuu goor duhur ah isa soo taagay goob baabuurta laga raaco oo ku taal Ceelgaabta magaaladda Muqdisho.
 
Gaadhi diyaar ah oo Hargeysa u raran ayuu markiiba helay. Rakaabkii saaraana waxaa uu ka gartay laba wiil oo la kala yidhaa Cawil iyo Mahdi. Intaan Salaaddii casar la eedaamin ayey Xamar ka soo baxeen. Safar dheer oo maalmo badan qaatay ayay jidka ku sii jireen. Dhibaatooyin yaryar oon sidaa u sii ridneyn bay kala kulmeen safarka, waxay aheyd horaantii xiligii guga oo roobab laxad lihi iska daba da’een. Jidka laamiga ahina markaas ma jirin.
 
Gaadhiga rakaabka xoog leh ayaa saarnaa, si kale kuma garatide, dhiguhuu marayay. Deegaanta rayska iyo naqa Nugaal bay ugu soo galeen.Buuhoodle duleedkeedana kii ka dul Onkodeyna ilaa Raydab Khaatumo ayuu ku soo waday. Ibaha cirkaaa Ilaahay si fiican u lisay. Habeenkaase siduu u dhannaa mar qudha dhibicdiisu ma qaadin. Waa la wadda dhardaday, dheelalyada dhaceysaana ilkahaa leysla wada dhacayey. Dadka intiisa badan wax la cuno qadadii baa ugu dembeysay.
 
La Soco Qarmooyin kale................................