AC Milan Oo Dooneyso Inay Soo Celiso Tababarihii Hore Ancelotti.

0
Friday May 16, 2014 - 09:33:51 in by salman abdi
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AC Milan Oo Dooneyso Inay Soo Celiso Tababarihii Hore Ancelotti.

    Saxaafadda Italy kasoo baxdo ayaa inta badan saadaaliyey in kooxda Milan ay damacsan tahay inay soo celiso tababarihii hore ee kooxda Carlo Ancelotti, khilaafaadka kadhex aloolsan tababaraha hadda ee kooxda clearence Seedorf iyo maamulka kooxd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafadda Italy kasoo baxdo ayaa inta badan saadaaliyey in kooxda Milan ay damacsan tahay inay soo celiso tababarihii hore ee kooxda Carlo Ancelotti, khilaafaadka kadhex aloolsan tababaraha hadda ee kooxda clearence Seedorf iyo maamulka kooxd

a ayaa keeneyso in maamulka farmuuqdaan tababare kale oo xagaaga qabto majaraha Milan.

WargeysyadaLa Stampa,Corriere della Sera, iyoCorriere dello Sport ayaa intaba isku raacay in milkiilaha kooxdaSilvio Berlusconi uu doonaayo inuu xilka tababarka kooxda kusoo celiyo marka uu booska baneeyo tababaraha reer Holand ee hadda xilka haayo Seedorf.

La Stampa ayaa sheegtay in maamulka Milan ay kawarsugi doonaan kulanka udanbeeyo ee Final ka Champions League kahor inta aysan bilaabin howshaan, iyadoo haddi ay Real Madrid kuguuldareesato inay qaado horyaalada Europe ay wadada usii xaari doonto bixitaanka Ancelotti.

Milan ayaa markaas kuqasban inay dhamestirto qarashka heshiiska Seedorf ee gaarayo shan milion, iyo weliba inay kabto burburinta heshiiska Ancelotti waa haddi aysan Real go’aankeeda isagasoo fasixine, jariirada ayaa saadaalisay in haddi ay Milan kufashilmato arrintaas uu xilka qaban doono ciyaaryahankii hore ee kooxdaFilippo Inzaghi.




Markasta iyo wakhtikasta kale saco afkashacabka,com ciyarahi udanbayay iyo wararka Duniaada oo jogta ah