Ciyaaryahanada Tenniska Serena Williams oo ku xanuunsatay hilib Eey oo ay cuntay

0
Saturday May 14, 2016 - 09:12:04 in by salman abdi
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanada Tenniska Serena Williams oo ku xanuunsatay hilib Eey oo ay cuntay

    Ciyaaryahanada haysata horyaalka ciyaarta tenniska dunida Serena Williams ayaa ku xanuunsatay kadib markii ay hotel ay ka degeneyd magaalada Rome ay ka cuntay hilib eey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanada haysata horyaalka ciyaarta tenniska dunida Serena Williams ayaa ku xanuunsatay kadib markii ay hotel ay ka degeneyd magaalada Rome ay ka cuntay hilib eey.


"Waxaan ku fekeray inaan tijaabiyo hilibka eeyga anigoo u malaynayay in uu wanaagsan yahay,”ayay tiri Serena oo 34 sano jir ah. "Balse labo saacadood kadib waxaan u cararay musqusha ama suuliga.”ayay sii raacisay.Hase yeeshee Serena ayaa ku guuleystay kulankii ay la ciyaartay Christina McHale iyadoo u gudubtay wareegga siddeeda tartanka ka socda magaalada Rome.

Serena oo ay ahayd markii ugu horeysay ee ay cunto hilib eey ayaa sheegtay in uu yahay wax aan aadanaha uusan cuni karin waxayna ku talisay in lagu dul qoro in bani’aadanku aysan u wanaagsanayn cunista hilibka eeyaha,

 

Inkastoo uu xanuun degdeg ah qabtay Serena ayaa hase ahaate wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan inay ka soo reyneyso haatan.