Caqabadaha Dhalinyarada Haysta iyo Sababaha ku kellifa Tahriibka W/Q:Muna Mohamud Saleban

0
Sunday May 15, 2016 - 08:34:45 in by
  • Visits: 2459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabadaha Dhalinyarada Haysta iyo Sababaha ku kellifa Tahriibka W/Q:Muna Mohamud Saleban

    Somaliland Dhalinyarada ay Da'doodu ka yar tahay 30 jirka waxaa lagu qiyaasaa Boqolkiiba 65% ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Dhalinyarada ay Da'doodu ka yar tahay 30 jirka waxaa lagu qiyaasaa Boqolkiiba 65% ,

Ardeyda Iskuulada Somaliland dhigta guud ahaan sida Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare waxay Gaadhayaan 200,000 oo ardey, Ardeyda Dhigata 16 jaamacadood ee Somaliland waxay Gaadhayaan Ilaaa iyo 20 ,000 oo ardey, Taas oo hadana Dhawaan La isku raacey in Somalinad 3dii caruuraba mid keliya uu nasiib u helo in uu waxbarshada iskuulka hoose Dhigto. Daraasad kale oo iyana Dhawaan lagu sameeyey Dhalinyarada reer Somaliland ayaa xaqiijineysa oo ka dhigeysa in ay dhalinyaradu yihiin Majooratigii dadweynaha reer Somaliland. Dhalinyaradu meel kasta iyo wadan kastaba waa Mustaqbalkii ummada ee Berito, ummad walibana waxaa wanaageeda iyo Horumarkeedu ku xidhanyahay kolba inta ay leeg tahay kartida iyo aqoonta dhalinyaradeeda. Nasiib daro se waxaa haysata Dhalinyarada Somaliland dhibaatooyin baahsan oo isbarkadey oo ay ka mid yihiin kuwan Hoos ku qoran:

Waa Maxay caqabadaha Hortaagan Dhalinyarada somaliland

- Shaqo la’aan ( Lack of employment opportunities)

- Tababar La’aan ( Limited access to training)

- Talo La’aan ( Lack of career and Education Counselling)

- Higsasho La’aan ( Lack of positive Role Model)

- Dhaqaale la’aan ( poverty)

- Madadaalo La’aan, hadey noqoto Sports ama Madadaalo kaleba

- Iskaa –Wax uqabso La’aan ( lack of Volunteerism and Work experience)

- Waxbarsho La’aan ( shortage of vocational training schools and teachers)

- Sentaro La’aan ( Lack of youth and cultural Centres)

- inkasta oo dhawaan dhalinyarada somaliland loo ogolaadey in ay ka qeyb qaataan Siyaasada hadana waxaa jira ( limited political participation)

Caqabadahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badani waxay ku keliftey dhalinyaradii Somaliland Gaar ahaan kuwii loo hankaweynaa ee dhameystey Waxbarashoodii Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha in ay Moral jabaan oo ku fekeraan kuna riyoodaan sidii ay ku tegi lahaayeen Western world iyaga oo nasiibkooda tijaabiyaana oo Tahriibaaya naftoodana khatar hor leh gelinaaya. Waxaa laga wada markhaati yahay in dhalinyaro badan oo nasiibkooda Tijaabiyey in aaney gaadhin riyadoodii ee ay naftoodii macaaneyd Ku waayeen oo ay ku Haligmeen Badaha iyo Saxarayaasha Aduunka ugu khatarsan. 
Iyadoo ay ugu dambaysey tii dhacday maalinkii dhawayd oo ahayd masiibadii iigu saamaynta badnayd inaan loonaa abid
Waxaa kale oo laysku raacay in qaar ka mid ah kuwii yaraa ee Riyadoodii u dhabowdey ee soo gaadhey wadamada reer galbeedka ee qaxootiga qaabila ay la kulmeen Diidmo qayaxan oo loo aqoonsan waayey in ay qaxooti noqdaan , kuwaas oo hada ku jira xabsiyada iyo kaamamka lagu xidho dadka Bilaa sharciga ah ( illegal immigrants).

Qaar kale oo Kamid ah Dhalinyarada Somaliland Waxay Naf Moodeen oo ay Waqtigoodii Qaaliga haa ay ku lumiyeen Mukhaadaraad sida Qaadka iyo Wixii Lamidka ah taas oo ay waqti Dhaafis Mudeen. Kadib markii Mukhaadaraadka oo uu qaadku ugu horeeyo ay naftoodii la qabsatey (ADDICTION). Qaadku wuxuu dhalinyaro farabadan uu ku tuuray Haadaan dheer oo ay adakaatey sidii ay uga soo bixi lahaayeen, waxaana dhaliyaro badani ku danbeeyeen in qaadaan xanuunka dhimirka oo ay balwadoodii sababta kowaad u noqotey.
Ilahay waxanka rajaynayaa inuu ka dhigo waddankayga mid horumara dhankastaba allooow na caawi hadaan dhalin yarnahay


‪#‎Somalilander_Baanay‬
‪#‎Waanan_Jeclay_Dalkayga‬..



W/Q:Muna Mohamud Saleban

Burao Somaliland