Madaxwaynaha Dalka Kenya Iyo Ku Xigeenkisa Oo Ku Labisatay Dharka Astaanta U Ah Soomalida Kuna Maray Socdaal Degaano Badan.

0
Saturday May 21, 2016 - 14:46:55 in by salman abdi
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Dalka Kenya Iyo Ku Xigeenkisa Oo Ku Labisatay Dharka Astaanta U Ah Soomalida Kuna Maray Socdaal Degaano Badan.

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Wilium Ruto, Oo Loo Xidhay Dharka Astaanta U Ah Soomaalida Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Wilium Ruto, ayaa maalmahan waxa ay socdaal ku marayeen magaalooyin kuyaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Wilium Ruto, Oo Loo Xidhay Dharka Astaanta U Ah Soomaalida Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Wilium Ruto, ayaa maalmahan waxa ay socdaal ku marayeen magaalooyin kuyaala gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ee Soomaalidu degto.

Uhuru Kenyatta iyo Wafdiga la socda ayaa socdaalkooda ka bilaabay magaalada Mandheera, waxa ay sidoo kale tageen magaalada Wajaeer ,iyagoona ugu dambeyn sodaalkooda kusoo gabo gabeyn doona magaalada Gaarisa.

Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa markii ay tageen magaalada Wajeer waxaa loo xiray dharka Astaanta u ah dadka Soomaaliyeed sida Macawiis, Shaati,Koofi iyo Go’, waxa ayna Goob barxad ah kula hadleyn dadweyne badan oo kunool magaalada Wajeer.

Uhurru Kenya ayaa socdaalka uu ku marayay Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ugu kuur galayay xaalada ka jira magaalooyinka kuyaala Gobolkaasi, ay dhoor mar ka dhahceen weerar ay geesteen dagaalyaho katirsan Al-Shabaab

wajer_1

wajer_2

wajer_3

wajer_4

wajer_5